Hargeysa(Hubaal)-Hay’adda u dooda ilaalinta Xorriyadda Saxaafadda iyo Xuquuqda wariyeyaasha ee magaceedu yahay Wariyeyaasha aan xuduuda lahayn(Reporters Without Borders), kana hawl gasha guud ahaan dunida ayaa shaacisay warbixin sanadeedka 2015-ka oo ku salaysan sida Dalalka dunidu ugu kala sareeyaan tixgalinta Xorriyadda Saxaafadda.
Guddida ayaa Warbixintooda ku sheegay inay Qiimeeyeen wadamada iyagoo ka qiyaas qaadanaya Badnida Saxaafadda(Media Pluralism),Madaxbanaanida,ixtiraamida Nabadgalyada iyo Xorriyadda Suxufiyiinta,Sharciyadda iyo Kaabayaasha Jawiga Saxaafaddu ku shaqayso.
“Waxaanu soo saaray tusmada Xorriyadda Saxaafadda 2015-ka ee dunida. Wadamada Finland, Norway iyo Denmark waxay noqdeen wadamada ugu tixgalinta badan Xorriyadda Saxaafadda. Wadamada Turkmenistan, North Korea iyo Eritrea, waxay galeen Kaalinta Ugu hoosaysa Liiska Wadamada Xorriyadda Saxaafadda dhibaateeya” ayaa lagu yidhi Tusmada muujinaysa kala horaynta Wadamada ee Guddida Reporters without borders.
Guddida Suxufiyiinta aan Xuduuda lahayn, iyagoo aan kala saarin Somaliland iyo Somalia kuwana wada magacaabay Somalia waxay Tusmada Somalia ka gashay Kaalinta 9-aad wadamada ugu daran ee Xorriyadda Saxaafadda dhibaateeya waxaana ka hooseeya Dawladda Islaamiga ah ee Iran,Sudan,Vietnam,China,Syrian Arab Republic(Syria),Turkeminstan,Democratic people’s of Korea, iyo dalka Eritrea oo kaalinta ugu hoosaysa dunida ka galay.
Marka loo Eego Africa, wadamada ugu sareeya ilaalinta Xorriyadda Saxaafadda waxaa ugu sarreeya Namibia,Ghana, Cape verde, South Africa, Botswana,Burkinofaso, waxaana dalka ugu hooseeya lagu sheegay Eritrea oo dunidana ugu hoosaysa waxaana ku xigta Sudan oo lagu sheegay dalka labaad ee Saxaafadda dhibaateeya Africa, halka dalka saddexaad ee ugu daran saxaafadduna yahay Somalia, Djabouti ayaa iyana ah dalka Afraad ee Saxaafadda cabudhiya.
ramaasnews