Waxa Ay Shalay Fuliyeen Wejigii Afraad Ee Olole Lagu Daweynayo Xayawaanka La Manaafacaadsado Ee Xaaladda Caafimaad La Deristay
Hargaysa (Hubaal)- Ururka Daryeelka Xayawaanka iyo Bulshada ee SAWS ayaa gelinkii hore ee shalay bilaabay wejigii afraad ee ololaha lagu dawaynayo dameeraha lagu shaqayso ee magaalada Hargeysa. Hawl wadeennada caafimaad ee ururka oo ku qalabaysan kalbado iyo dawooyinka Xoolaha ayaa subaxii hore hawl gal ka fuliyey goob lagu soo ururiyey dameeraha. Waxaana Ololahan oo muddo saddex maalmood ah soconaya ay cidiyaha kaga jareen dameero badan oo ay kasoo ururiyeen suuqyada Hargeysa . Guddoomiyaha ururka SAWS Cali XAsan Cawaale oo faahfaahin ka bixiyey ololahooda ayaa sheegay in ay ku daweynayaan dameeraha xanuunnada la deriska ah ee u baahan caafimaadinta isla markaana cidiyaha ka jarayaan kuwa cidiyuhu ku baxeen, sidoo kalena kuwa faytamiinnada u baahan feytamiinno ku mudayaan. “Ururka daryeelka bulshada iyo xayawaanka ee SAWS waxa uu sidii caadada u ahayd u bilaabay hawlihii ololaha ahaa ee daawaynta iyo daryeelka dameeraha lagu shaqaysto” sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha ururka SAWS Mr. Cali Xasan Cawaale oo shalay warbaahinta kula hadlay goobta ay hawl wadeennada ururkoodu ku daawaynayeen dameero tiro badan oo daryeel u baahnaa kuwaas oo lagu ururiyey goob u dhaw tiyaatarka Hargeysa. Waxaana uu guddoomiyuhu intaa ku daray “waxa aanu maanta [shalay] bilownay hawl galkayagii afraad oo ah inaanu dameeraha ku daryeelno, cidiyaha ka goyno, kuna dawayno, isla markaana ku wacyi gelino dadka ku shaqaysta dameeraha oo aanu ugu baaqno inay ka war hayaan daryeelka dameeraha, sida in ay daweeyaan marka ay nabarro ku arkaan, haddii ay nabarro ama xaalado caafimaad ku arkaanna la soo xidhiidhaan xarunta wasaaradda xanaannada xoolaha ama goobta dhakhtar ugu dhaw”. Guddoomiye Cali Xasan Cawaale waxa kale oo uu ka war bixiyey muhiimmada ay hawshani leedahay iyo doorka ay ka qaadanayso wacyigelinta bulshada, waxaana uu yidhi “hawshani waa mid aad u mihiim ah oo loo baahan yahay in lagu daweeyo xayawaannaadka aynu dhaqanno ee ay dameeruhu ka mid yihiin, waxaana hawshan qaban qaabadeeda iyo qabsoomideeda iska kaashaday ururka daryeelka dadka iyo dameeraha ee Social alliance welfare ee SAWS urur Ustareeliyaan ah oo isna xayawaannaadka daryeelkooda ka shaqeeya. waxaanan halkan mahad naq uga jeedinayaa wasaaradda xanaannada xoolaha oo gacan weyn nagu siisay qabsoomidda hawshan naguna taageertay ka shaqaynta daryeelka dameerahan, gaar ahaan waxaan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha oo ah qof u soo jeedda daryeelka iyo xanaanada xoolaha iyo xayawaanka aynu manaafacaadsanno, isaga oo ka qayb qaata daryeela dameeraha” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Gebogabadiina waxa uu guddoomiyuhu baaq u diray shacbiga Somaliland ee qaddiyadani khusayso, waxaana uu yidhi, “ annigoo fursaddan ka faa;iidaysanaya fursaddan waxaan baaq u jeedinayaa shacbiga, gaar ahaana dadka ku shaqaysta dameeraha, waxaanan leeyahay qofka dameerka ku shaqaysanayoow daryeel dameerkaaga oo la soco xaaladiisa caafimaad oo marka aad xanuun ku aragto waxaa lagaaga baahan yahay ileyn waa halkii dakhligu kaasoo gelayaye inaad dawayntiisa ku xisaabtanto oo aad dawayso, laakiin aanad kaga tagin xanuunka ama ciddiyaha ku baxay”. Ayuu Cali Cawaale ku soo xidhay hadalkiisa.
Ururkan oo ah mid samofal ayaa laba sanno horteed ay koox aqoonyahanno is xilqaamay ka aasaaseen magaaladda Hargeysa waxaana uu noqonaya ururkii ugu horeeyey ee fuliya adeegyadan oo kale. Waxaana tiraba saddex jeer oo hore uu fuliyey olole kan la mid ah oo ay ku daweeyeen xayawaanka dadku manaafacaadsadaan. Ururka SAWS Ayaa aasaaskiisii ka dib waxaa uu Shaqadiisii Ugu Horeysay Ka Bilaabeen Seminaar Uu u Qabtay In Ka Badan Labaatan Ruux Oo Ah Dadka Ku Xoogsada Gaadhi-Dameerka Oo Ay Barayeen Xanaaneynta Dameeraha Ay Ku Xoogsadaan Ee Biyaha Ay Ku Dhaamiyaan Amaba Alaabta Ay Ku Xammaalaan.