Laamaha Amniga Oo Iska Kaashaday Gacan-ku-dhigista Wadaaddadan Oo Ku Eedaysan Falal Khatar Ah oo Lid Ku Amniga Guud Ee Qaranka
“…Hawlgalladaas Waxaa Lagu Soo Qabtay Tiro Dad Ah Oo Maleegayay Falal Khatar Ku Ah Nabadgalyada DAlka Iyo ta shacbiga reer Somaliland…..Ka Hordhici Mayno Baadhista Kiiskaas, Wixii Kasoo Baxana Waynu U Wada Joognaa” – Afhayeenka Ciidammada Bilayska Somaliland
Hargeysa(Hubaal):-Ciidammada amaanka Somaliland, ayaa toddobaadkii hore hawlgal ay magaalada Hargeysa ka fuliyeen kusoo qabqabtay wadaado dabagal lagu hayay oo ay laamaha amnigu dhaqdhaqaaqooda la socdeen kuwaas oo ku eedaysan falal amniga qaranka lid ku ah. Hawlgalladan oo ay ciidammada amnigu fuliyeen xilliyo kala duwan ayaa Wadaadadan loogu daadatay guryahooda xilli habeennimo ah kuwaas oo tiradooda rasmiga ah aanlahayn balse sida ay HWN oo warkan aanu kasoo xiganay baahisay lagu sheegay in ay toddoba xubnood yihiin.
Afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis Cilmi ayaa saxaafadda u xaqiijiyay xadhiga dhallinyaradan, waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku waxay galeen hawlgal aad iyo aad u balaadhan iyagoo kaashanayay hay’adaha ammaanka ee ay gacan saarka dhow la leeyihiin,waxaana hawlgaladaas lagu soo qabtay tiro dad ah oo maleegayay falal khatar ku ah nabadgelyada guud ee dalka iyo shacabka reer Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi afhayeenku hase yeeshee waxaa uu ka gaabsaday in auu faahfaahiyo nooca uu yahay dembiyada ay ku eedaysan yihiin waxaanu Afhayeenku yidhi “Waxa socota baadhistii kiiskaas oo ay ciidamada boolisku baadhayaan, kana hordhici mayno baadhista wixii ka soo baxana waan u wada joognaaa.”
Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aaden-sune) oo imaam ama khadiib ka ah mid kamid ah masaajiddada magaallada Hargeysa ayaa ayaa isagu salaadii ciidda wuxuu garoonka Hargeysa Stadium ka sheegay in wadaadadan oo dhalinyaro ahi aanay wax lug ah ku lahayn eedaha loo xidhay “Culimadii ayaa lagu tacadiyayaa.” ayuu yidhi Sheekh Aadan-sune oo dawladda, salaadiinta iyo shacabka ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii dhallinyaradaas loogu soo celin lahaa xorriyadooda, isagoo ku dooday inay yihiin bilaa dambi.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hawlgalladan oo dhinaca dawladda ah hase yeeshee bar kullannada bulshada magaallada Hargeysa ayaa dadku siyaabo kala duwan ugu hadal hayaan hawlgalladan oo ra’yul-caamka bulshada badankoodu dawladda ku ayidsan yahay adkaynta amniga qaranka iyo dawladnimada dalkaba.