Hargeysa: Weerar Loo Adeegsaday Baatrool, Dab Iyo Rasaas Oo Lagu qaaday Qoys Xoolo-dhaqato ah

0
25

Taliska Booliska Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Dhacdadan Oo Ugub Ku Ah Somaliland

“Falkaasi Waxa Ku Dhintay 11 Neef Oo Adhiya, 8 Neefna Waa Dhaawac,Halka Gabadh Umul Ahayd Iyaduna ay lug Ka Jabtay” Afhayeenka ciidanka boliiska Somaliland

Hargeysa (Hubaal) Taliska ciidanka boliiska Somaliland ayaa ka hadlay weerar loo adeegsaday jirikaamo baatrool ah iyo rasaas nool oo habeen hore lagu qaaday qoys reer miyi ah oo degan xaafad ku taalla koonfurta magaaladda Hargeysa.  “Xalay (habeen hore) goor ay saacadu ahayd 8:00 habeenimo waxa dhacay fal aad u fool xun oo aan hore innoo soo marin, falkaas oo ahaa reer degan koonfyrta magaaladda Hargeysa, halka Koontoroolka Faraweyne agtiisa ayaa lasoo weeraray. Reerkaasi oo ahaa reer miyi waxa lagu daadiyay shan jirikaan oo baatrool ah, rasaas waa lagu riday dabna waa la qabadsiiyay.” Ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka boliiiska Somaliland Feysal Xiis oo shalay warbaahinta la hadlay.  “Falkaasi waxa ku dhintay 11 neef oo adhi ah 8 neefna waa dhaawac, gabadh umul ahayd oo reerka deganayd iyaduna lug bay ka jabtay.” Ayuu intaasi ku daray. Geesta kale afhayeenka ciidanka boliisku waxa sheegay inay gacanta ku dhigeen hal qof oo goobtii falku ka dhacay ugu tageen, waxaana uu yidhi “Ciidanka boliisku marii uu warkaasi soo gaadhay waxay si dhakhso leh ugu baxeen goobtii uu dambigaasi ka dhacay, waxaanay gacanta kusoo dhigeen hal eedaysane. Baadhista ka hordhicimayno, laakiin sida xogta nagu soo gaadhay arrintani waxa lala xidhiidhinayaa kiis dhul. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Feysal xiis

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here