HARGEYSA: Madaxda Wasaaradda Waxbarashada oo Lagu Wareejiyey Dhul Dan Guud ah
WAasiirka waxbarashada oo Jananka Ciidanka ka gudoomay Dhul ku yaalla Isha Boorama iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas ooMuwaadin reer Somaliland ah ka gudoomay Dhul ku yaalla Agagaarka dugsiga Kuwaytiga
____________________________________________
Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Soomaalilaand Md. Cismaan Jaamac Aadan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa shalay dhul dan guud ahaa kala wareegay Ciidamada Qaranka JSL.
Dhulkan oo ku yaalla xaafadda Isha Boorama ee magaalada Hargeysa ayaa waxa madashii lagula kala wareegayay ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor oo sheegay in ay maanta soo afjareen muran kooban oo dhulkan ka yimid.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soolteelko” oo sheegay in ay WW&S ku wareejinayaan faylasha dhul dhan 120 baloog oo ah dhulka danta guud ee ay Dawlad Hoose ahaan Wasaaradda Waxbarashada u hayaan.
Maayarku waxa uu sheegay in aanay dib u dhacaynnin in ay Wasaaradda Waxbarashada iyo shacab dhul ku murmaan, maadaama buu yidhi ay Ciidamadii Qarankaba dhulkii kala wareegeen.
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Md. Nuux Ismaaciil Taani ayaa isaguna ka warramay muhiimadda Waxbarashadu qaranka u leedahay iyo sida uu ugu faraxsan yahay in murankaa la soo afjaro.
Ugu danbayn waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Soomaalilaand Md. Cismaan Jaamac Aadan, waxaanu u digay dadka ku mamay dhulka danta guud, isaga oo xusay in aanay cidna uga hadhayn dhulka danta guud ah ee loo qorsheeyay WW&S.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka WW&S Md. Cismaan Jaamac Aadan, ayaa muddadii koobnayd (50 Maalmood) ee uu xilka Wasaaradda hayay hirgaliyay waxqabadyo waxku-ool ah, kuwaas oo laga xusi karo, tallaabooyinka uu maalmihii ugu danbeeyay ku soo dhicinayay dhulka danta guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Soomaalilaand Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa is na maalintii dorraad dhul dan guud ahaa kala wareegay Muwaaddin Cawil Aw Cabdi Axmed.
Dhulkan oo ka mid ah dhulka danta guud ee ay Dawladda hoose ee Hargeysa u qorshaysay Waxbarashada, ayaa ka mid ahaa beerta Ilma Aw Cabdi ee ku taalla agagaarka dugsiga Kuweytiga ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay dhulkaas damaaciyeen muwaaddiniin hunguri qaaday, hase yeeshee Xukuumadda iyo Mulkiilaha beerta oo iskaashanayaa ay arrintaa soo afjareen.
Madashii dhulkan lagula kala wareegayay waxa ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor oo ammaan ballaadhan u soo jeediyay Muwaaddin Cawil Aw Cabdi oo uu sheegay in kudayasho mudan yahay sida uu u ilaaliyay dhulka danta guud looga qorsheeyay beertiisa.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Muwaaddin Cawil Aw Cabdi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay ku wareejuyaan WW&S qaybtii danta guud looga qorsheeyay beertooda, waxaanu muwaaddiniinta dalka ugu baaqay in ay mudnaanta siiyaan danta guud iyo waxyaabaha la wada leeyahay.