W/Q: Maxamed Cali Bile
Waxan soo galney xafiiskii wasiirka macdanta iyo biyaha Allah ha u Naxariistee Mohamed oo lagu naaneysi jirey “ina Budhcad”. Waxa ila socda John Macteer oo madax ka ahaa waaxda qaxootiga ee safaaradda Mareykanku ku leedahay magaaladda Addis Ababa, oo berigaa iyagu bixiyey lacagtii lagu hagaajiyey biyo gelinta magaalada Hargeisa. Markanu soo galney xafiiskii ayaan aragney Wasiirkii oo kursi ku fadhiya oo uu horyaalo miis daldaloola. Waxa kale oo meesha yaala kursi bir ah oo dhabarkii looxa ahaa ka jabey. Kursiga halkii lagu fadhiisanayey ee looxa aheyd lafteedu wey jabantahay oo wey iska dul saarantahay. Albaabka xafiiskana dhagax ayaa loo dhigey si aanay dabeyshu u lulin.
Ninkii mareykan ee ila socdey ayaa la fadhiisiyey kursigii. Balse intaanu fadhiisan ayaa inta looxii jabnaa meeshiisii lagu hagaajiyey ayaa lagu yidhi aayar ku fadhiiso oo ha ruqruqaansan yaanu kula dhicine.
Madaxdii kale ee wasaaradda iyo aniguba wanu taganahay oo wax kuraasi ahba labadaa ayaa yaala oo midna wasiirkaa ku fadhiya midna ninka martida ah.
Wasiirkii ayaa u mahadnaqey dawladda mareykanka oo maalgelisey mashruuca biyaha Hargeisa. Wasiirkii ayaa agaasimihiisii guud, Abdillahi Hassan Bulbul “Sandheere” oo isna meesha nala taagan ku yidhi, bal soo qabo feylkii ay ku jireen mashaariicdii an qorney. Wasiirkii ayaa akhriyey mashaariicdii oo qiimahoodu gaadhayey ilaa 5 malyuun oo doolar.
Markuu dhameeyey ayuu ninkii mareykan Wasiirkii ku yidhi, mashaariicdan ad tirisay waxa ka horeeya mashruuc kale oo ka mudan oo ah inad heshaan ilaa 10 Kun oo doolar oo ad dhowr xafiis iskaga hagaajisaan woxoogaa kuraasi iyo miisasna ad ku iibsataan. Wasiirkii ayaa inta uu soo eegey madaxdii kale ee wasaaradda ee meesha taagneyd ayuu af soomaali ku yidhi “waar Waa runtiisa ee gego cidlo ah ayaynu fadhinaa”. Ninkii mareykan ayuu u jawaabey oo uu ku yidhi, Asxaabtayada ayaanu soo shaxaadi oonu odhan woxoogaa kuraasi ah noo iibiyee, adigu mashaariicda kale naga caawi.
Markaan soo baxeyney ayay isheydu ku dhacdey albaabkii xafiiska wasiirka mise meeshii qufulku wey dalooshaa oo sakatuuradiiba Waa lagala baxay. Oo ileyn xafiiska waaiirkaba lama xidho ee dhagax uunbaa albaabka lagu tiriyaa.
Xafiisyaddii kale Ayaan galney. Adaaba sheegaya oo waraqo iyo xashiish ayaa dhex daadsan.
Xiligaa dadkii dalka joogey ee an ka midka ahaa waxani caadi ayay la aheyd oo dhibaatada dhulka taalaa noomey muuqaneyn ileyn dhib kan ka weyn ayaa laga soo baxaye. Balse Marka qof meel kale ka yimid idiin yimaado uunbuu arkayaa sakaraadkan meesha ka taagan.