Guddida horumarinta caasimada ayaa dhamaantood ka midaysnaa in la joojiyo dhaq dhaqaaqyada ay wadaan qaar kamida xildhibanaada Golaha Deegaanka Caasimada eek u salaysan Mooshin xilka lagaga qaado Maayarka iyo M/Kuxigeeenkiisa kulankan oo maalintii shalay ka dhacay Shiraaqle Hoitel Hargeysa ayaa ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay u dhamaayeen dhamaan Gudiyada Horumarinta Caasimada ee Degmooyinka Hargeysa
Isku soo wada duuboo Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa u muuqda mid ay aad ugu kalsoon yuihiin dhamaan dadweynaha Caasimadu iyagoo isla markaana gudiyadu golaha ka sheegay in uu yahay Maayarkii ugu da’da yaraa uguna Waxqabadka badnaa