HALKAN KA DAALLACO: Ururka Dhalinyarada Ee CURAD Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

0
85

Hargeysa(Hubaal):-Ururka Dhalinyarada Hormarinta Ee Curad Youth Organization Ee Beesha Toljecle  ayaa hadimo sharafeed ama casho sharaf qiimo badan u sameeyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo hogaanka sare ee xisbiga wadani Xogahaya Warfaafinta Ee Xisbiga Wadani Mudane Boobe Yusuf Ducaale Gudoomiyaha Garabka Haweenka Maroodijeex   Milgo Mohamed Cilmi   iyo Xogahaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani Mudane Osman Afgaab  waxaan ka soo qaybgalay xafladan Aqoonyahanka iyo dhalinyarada iyo haween iyo waxgarad  iskugu jira ,Ururka Curad Youth Madasha Casho Sharafta ah ugu Sameeyey Hotelka Cusub ee Yemani Garden Resturent

 11025821_626836804116173_7099283540635864875_n

Ugu horayntii xaflada waxa ka hadalay Gudoomiyaha Ururka Curad Yacquub Abdilaahi oo Ku dheeraday hadalka waxaanu u sheegay in caawa casho sharaftani qiimaha badani u sameeyeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Wadani Mudane Cabdirxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo hogaanka sare xisbiga wadani waxaanu ugu waramay inay caawa ay tahay casho sharaftani is Xog waraysi iyo golo xaadhi ku biirida xisbiga wadani  iyo in aanu caawa hadimo sharafteedkani ku maamusno xisbiga Wadani .sidoo kalena xisbiga wadani maanta uu yahay xisbiga dhalinta somaliland 70% kaasi oo aanu dhalinyaro ahaan doonayno inaanu ka dhexe muuqano .

Waxa kale oo ka hadlay Madasha Xalay Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Curad Youth ahna Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Wadani Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo sheegay maanta inay markii ay arkeen xukumadani tallada haysaa inay wadankiiba 50 nin ay jeebka ku shubteen kuna tarkifaleen hantidii umada sidoo kale dhalinyaradii la soo halgantayna ilaaway maantan dhalinyaradii somaliland ay badaha kaluunku ku cunay ayaa maanta hadii aanu nahay ururkani curad waxaanu garanay inaanu ku soo biirino xisbiga Wadani , kaasi oo ururka mar hore ay kulamo hore wadaqaateen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Wadani .

 11018787_626836630782857_3568760410917293130_n

Waxa kale oo Ka hadlay Abdiqadir Dahir Ahmed oo ku hadalayey Magac Aqoonyahanka Ururka Curad sheegayna inay aad ugu farxasanyihiin inay caawa casho sharaftani ku maamusaan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani  sheegayna inay aqoonyahan ahaan xisbiga wadani taageersanyihiin kuna biirayaan sida ugu dhakhsaha badani dhawaan .

Waxa kale ka hadlay madasha Xalay Ganacsade : Mudane  Xasan Maxamuud Cawad  Sheegayna inay Ururka Curad Maanta ay Sahan tageen soona heleen sheegayna inay xisbigan Wadani u Dhaami doono Xisbigaasi ay Dhalinayrada iyo Aqoonyahankii iyo Haweenkii Beeshuba ka soo  Baxayaan imanayaana ka waxgarad ahaan waanu soo dhawaynaa fikirkaasi ay dhalinyaradu maanta keenaytay maadaamo aduunka dhalinyaro iyo haweenkuba yihiin lafdhabarka umada kasta oo jirta waxaan rajnaynaa in xisbigaasi wadani uu ka fiicnaan doono dhalinyarada

Deeqa Abdilaahi Dhamac (Aragsan) oo ku hadlaysa afka haweenka  ee ay uruka dhalinyarada curad soo casumeen ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in maanta xisbigani wadani ay doonayaan inay ku biiraan haween ahaan dhalinyaro ahaan aqoonyahan  ahaan iyo wixii saamiga ah ay ka helaan xisbigan wadani

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani Mudane Boobe Yusuf Ducaale ayaa isaguna halkaasi ka hadalay sheegayna in xukumadan maanta ay dadkii doortay aaney cidna waxa u qaban sidoo kale ay cabashadu jirto aniguba caruurtaydii qaaxo ayey ku dhasheen oo wali waanu sugaynaa ayuu yidhi sidoo kale waxa soo jeediyey in qodobadii ay ka hadleen Ururka dhalinyarada beesha Toljecle ay ka yeelan doonaa fadhi balaadhan oo ay isla meeldhigi doonaan waxyaabo badan xisbi ahaan .

 11006429_626836694116184_8506652191452352832_n

La Taliyaha Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee arimaha Dibada Marwo Faadumo Siciid Ahna Mulkiilaha Hotelka Al Yemani Garden Restaurant sheegtay inuu mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Yahay qof dhalinyarada tixigaliya jecelna inuu waxa la qabto sidoo kale mar waliba ay dhalinyarada uu siiyo ahmiyada wayn oo taasi oo ku tusaysa in ay tahay astaamaha lagu garto qofka dalka ka noqonaya Madaxweynaha sidoo kale waxay aad ugu mahadcelisay Ururka Curad ee Casho Sharaftani Qiimaha badan u samaysay Gudoomiyaha Ururka Wadani iyo Hogaanka Sare Xisbiga

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Marwo Milgo Mohamed Elmi  ayaa iyaduna soon dhawaysay Ururka Dhalinayarada Curad sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay dhalinayrada ahmiyada kowaad u siin lahayeen , xisbigani Wadani Diyaar u tahay inuu dhalinayrada soo dhaweeyo .

Ugu Danbayntii Waxa hadalka soo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo aad iyo aad ugu mahadceliyey Dhalinyarada Ururka Curad ee Casho Sharafta u Sameey sheegayna inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka iyo haweenka iyo Gaar ahaan Beesha Toljecle sidoo kale sheegay inay xisbiga wadani ay saamigooda ka qaadan doonaa inta ugu badan iyo inay imika wixii maamulka ah ka qaybgaadan doonaa .

Dhalinayaradu waxaad ku soo beeganteen xil la qabanayo shirwayanaha dhalinyarada Xisbiga Wadani Bisha March 15 2015 kaasi oo aad ka mid noqon doontaan dhismaha Dhalinyarada maadamo Dhalinyaradii Ururka Curad Youth Tihiin Warkasta waxaan idinku soo dhawaynaa niyad sami sidoo kale waxaynu yeelan doonaa kulan balaadhan oo ay waxbadan iska waraysan doono .

Waxa halkaasi Shaahaado Sharaf Ku Gudoonsiiyeey Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Curad Yacquub Abdilaahi oo sheegay inay shaahado sharaftani tahay mid uu ururka Curad Ku Maamusayo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani  oo ah Shaqsi Daacada Dulqaad  iyo Hogaamin Dhab ah Leh

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here