Halkan ka Daalaco: Xog-hayaha Daakhiliga UCID Oo Hoosta Ka Xariiqay Hankiisa Siyaasadeed ee Doorashada Soo Socota

0
44

Hargeysa (Hubaal)- Xoghayaha arrimaha gudaha iyo xidhiidhka gobollada ee xisbiga Caddaallada iyo Daryeelka (UCID) Cabdiqani Ibraahim Selef (Kabtanka) ayaa shaaca ka qaaday in uu isu taagaya tartanka doorashada aqalka Wakiillada isaga oo Xisbiga UCID uga sharraxan gobolka Hargeysa.

Cabdiqani Selef oo Qoraal uu WArbaahinta Soo gaadhsiiyey kaga hadlay musharraxnimadiisa waxa uu ku baaqay in taageerayaashiisa gobolka Maroodi-jeex ku barbar istaagaan doorashada isaga oo dhinaca kalena ku baaqay in ay ka faa’iideystaan fursada qaadashada kaadhka dhalashada ee diiwaangelintiisu ka socota Hadda Gobolka Hargeysa.

KabtankaQoraalka uu KAPTAN Selef soo saaray oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:

“A nigoo Ah Md. Cabdiqani Ibraahin Selef (Kabtanka) waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan ahay Musharax u Taagan Golaha Wakiilada Dorashada Soo Socota Hadii ilaahay Qadaro. Kadib markii  aan wada Tashi Badan aan lasameeyey Bulshada Dhanwalbana aan wax ka eegay. Waxaan Jeclaystay inaan qaato Talooyinka badan ee ay isoo jeediyeen Taageerayaashayda Asaxaabta iyo qaybo badan oo bulshada kamida.

Waxaan diirada Saari Doonaa inaan kashaqayn doono hadii aan ku guulasto Badbaadinta Deegaanka iyo Duurjoogta oo farabaas laguhayo illaa hadana aan wax muuqda laga qaban. Anigoo hadaba u ololeeya badbaadinta Deegaanka iyo Duurjoigta. Waxaan ka shaqayn doonaa ka hortaga Tahriibka. Inkastoo Wakiiladu yihiin Gole Sharci Dajin hadana waxaan kashaqayn doona inta karaankayga.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan bulshada ku dhaqan gobalka aan ka sharaxanay ee Maroodi Jeex inay codkooda iyo taageeradoodaba isiiyaan Waqtiga Doorashada. Waxa kale oo aan ugu baaqaya Bulshowaynta reer Somaliland inay qaataan kaadhka aqoonsiga oo hada socda.

Wa-billaahi Towfiiq

Cabdiqani Ibraahim Selef “Kabtanka”

Xogyaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada Xisbiga Ucid

kaptankak

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here