Shabakada Qurbejoog. com aya bishii Janawari ee sandakan la-yeelatay wareysi dheer,Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali -Sanyare) , oo ahaan jiray Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ah ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale, wareysiga ayaa dhinacyo badan ka taabtay xaalada hadda somaliland ku sugantahay. Wareysigaas oo taxana ah oo uu qaaday Tifaftiraha Mareegta Qurbejoog.com Cabdiqadir Xuseen Guuleed waxa si taxane ah u soo baxayaya ilaa bishii January ee sanadkan, waxaanu socon doonaa dhawrka Jimce ee ina haya.
Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu isagu weli ku jiro saaxada siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka
Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay.
QAYBTA SADDEXAAD: (13ka febarwari) Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.
QAYBTAN AFRAAD: (20ka Feberwari).Waxay ka hadli doonta higsigii ahaa in loo helo somaliland nidaam maaliyadeed oo hufan oo xakameyn kara xatooyada hantida qaranka. Wuxuu Wasiirku farta ku fiiqi doona caqabadaha hadda hortaagan nidaamka maaliyadeed ee ah in looga gudbo sidii dib-u-eegid iyo dib-u-cusbooneysiin loogu sameyn lahaa nidaamka meelihii looga baahanyahay.
SUAAL: Qof walba oo ka hadla nidaamka maaliyadeed ee somaliland, wuxuu dhaliila fulinta loo maro nidaamka. Ma noo iftiimin karta ,ka aqoonyahan ahaan ,iyo siyaasiba,caqabadaha kuu muuqda ee hortaagan nidaamka maaliyadeed ee somaliland inuu hufnaado?
JAWAAB: Waad ku mahadsantahay, su’aasha aad I-weydiisay. Waxaan jecelahay intaanan nuxurka su’aashaada ka jawaabin in aan waxyar oo hordhac ah ka horeysiiyo oo ku saabsan waxtarka uu nidaam maaliyadeed oo hufani u leeyahay dalkasta.
Waxaa la qirsanyahay in nidaam maaliyadeed oo dhameystiran oo haddana hufan oo fulintiisuna sugantahay lagu yareen karo musuq-maasuqa ,gaar ahaanna, ka xafiisyada dawlada ka dhasha. .Haddiise, nidaamka maaliyadeed uu debecsanyahay,hogdalooladiisuna badantahay ,waxaa ,si fudud , uga faa’ideysan kara masuul kasta oo kursi dawladeed ku fadhiya iyo intay musuqa wada- wadaagaan. Waxay cilmiyi-baadhistu bayaamisay in xatooyada hantida qaran ee dalal badan oo dhaqaalahoodu soo korayo ay sababto nidamkooda maaliyadeed oo aan dhameystirneyn amba hog-daloolooyinka oo ku badan nidaamka amba xeerka dembiilayaasha lagu marsiin lahaa ciqaabta ay galabsadeen oo aan si dhab ah loo fulin.
Waxay aragtidani ku dhiirisay siyaasiyiinta dalal badan oo Afrika ah in aanay ku degdegin dib-u-habeynta, iyo casriyeenta nidaamka maaliyadeed iyo xeerarka
soo raaca ee loogu baahanyahay xakameynta is-daba-marinta iyo is-daba-weydaarinta xisaabaha .
Sida daradeed, waxa waajib ku ah bulsho kasta ,si loo helo maamul- wanaag iyo horumar dhaqaale, inay ka hawlgalaan sidii dalalkooda loogu soo dabaali lahaa , halkii aannu ka jirin,nidaam maaliyadeed oo hufan oo sharciyadiisuna uu dhantahay,xambaarsanna Isla- xisaabtan cad oo muuqda.
Waxa loo soo galey dadaal badan inoo nidaamka maaliyadeed ee somaliland soo gaadho halkuu maanta joogo. Waxa dhidhibada u taagay xukumaddii,alle-how naxariistee,Madaxweyne Moxamed Ibraahim Cigaal. Hase yeeshee, nidaamku weli waa qabyo. Waxa, gaar ahaan, ka dhiman Isla-xisaabtan dhab ah oo la taaban karo oo shaqeynaya, iyo hufnaantii nidaamkii maaliyadeed ee loo baahna. Koleyba, qofkii lagu
aamino ilaalinta hanti qaran ee ku nool dalalka saboolka ah, sida dalkeena, ma dhaliilo la’aanayo. Haddii madmadow lagu arkana, kabasii daran, oo dhaliiluhu way laba boqol
laabmayaan.
Nidaamka maaliyadeed ee dal waliba wuxuu fulintiisa u baahanyahay silsilad isku xidhan oo xubin waliba hawsha loo igmaday uga soo baxdo hagar la’aan. Haddana ah silsilad mid kastaba halkeeda ilaalineyso hantida qaranka oo dabagal iyo ilaalin isku-sameeya si waajibaadkoodii kala gedisan u kala gutaan. Haddana, waa silsilad
wada-shaqeyn joogta ahi ka dhaxeyso. Awoodahooda u gaarka ahna waxa qeexa sharciyo kala duwan oo Isla markaasna ku waajibinaya wada-shaqeyntooda.
Hay’adahaas silsilad ah ee dalkeena waxa ka mid ah kuwa hoos ku xusan:
- Wasaaradda Maaliyadda oo ay hoos yimaadaan.
b). Waaxda miisaaniyaddu
t). Waaxda cashuuraha beriga
j). Waaxda kastamada iyo
x). Xisaabiyaha Guud
- Bangiga Dhexe
- Hanti-dhowraha Guud
- Hay’ada qandraasyada
- Dekedda Berbera
- Wasaaradda Qorsheynta (isku-jaangoynta qorshaha dhaqaale iyo
siyaasadda maaliyadeed )
- Golaha Wakiilada ( Guddida Dhaqaalaha)-ka doodida, wax-ka- bedelka iyo
ansixinta miisaaniyada iyo dabagalkeeda.
Qaabka maamul maaliyadeed ee dalku wuxuu u baahanyahay sidii loogu bedeli lahaa nidaam maaliyadeed oo dhameystiran oo misana hufan (transparent) oo raacsan nidaamyada looga dhaqmo aduunka oo ay ku jiraan dalal badan oo Afrika ah oo hadda dhinacaas hore uga maray sida dalka Ruwandha.
Dhibaatooyinka hortaagan in Somaliland yeelato nidaam maaliyadeed oo hufan way badnan karaan, balse aynu Isla-eegno shan iyo tobankan (15) caqabadood ee hoos ku qoran.
1). Dabagal aan ku fileyn dhinaca cashuur ururinta oo keeni kara in wax badani faraha
dexdooda ka baxaan.
2) Awoodihii iyo qaabdhismeedkii ay lahaan lahayd ha’yad dakhli ururineed oo madax-banaan oo hadda dalka ka jirin.
3) Qorshe iyo siyaasad madmadow ku jiro iyo wadatashi la’aan furan oo loo raaco nidaamka diyaarinta, fulinta iyo dabagalka miisaaniyada qaranka .
4) Komishanka Qandraasyada oo sharci ahaan iyo nidaam ahaanba u dhisneyn sidii lagu yiqiin ha’yad qandraas.
5) Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo aan ka madax-banaaneyn Wasaaradda Maaliyadda, sida dalalka badankoodu ku dhaqmaan. Taas oo awoodihii uu lahaa daciifisay.
6) Bangiga Dhexe oo awoodihiisii bangi aanay dhameystirneyn oo go’aanadii uu qaadan lahaa ka Bangi Dhexe aanay muuqan.
7) Warbixin la’aan hufan oo tafatiran oo qeexeysa sidii hantida qaranka loo isticmaalay sanadwalba oo aan jirin.
8) Golaha wakiilada iyo guddidiisa dhaqaalaha oo gebi ahaanba baalmarsan fulinta awoodahooda ku cad qodobka 55aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka ee ku saabsan la-xisaabtanka xukuumadda iyo dabagalka miisaaniyada qaranka. Shaqadoodu waxay noqotay hawl-u -fududeyn ay u hayaan xukuumadda, taasoo iyana ka soo horjeeda awoodaha la kala leeyahay ee nidaamka maaliyadeed. Waxa kuwaas ka mid ah miisaaniyada oo sanadwalba lagu ansixiyo duuduub, iyadoo xildhibaanada Golaha aan la siin, sida dastuurka dhigayo (qodobka 55aa) fursad ay kaga doodaan, waxna kaga bedalaan miisaaniyada ka hor intaan loo codeyn ansixinteeda.Falalkaasu waxay dhabarjab weyn ku yihiin helitaanka nidaam maaliyadeed oo hufan.
Waxaa masuuliyad xumadan Golaha Wakiilada, si gaar ah, loo xambaariyey
xubnaha aqlabiyada Golaha sheeganaya ee sida badheedka ah ugu tuntay qodobka 55 aad ee dastuurka. Waa Isla dastuurkii lagu dhaariyey inay kula xisaabtamaan xukuumadda kuna dabagalaan miisaaniyada iyagoo ilaalinaya hantida qaranka.
9) Iyadoo aannu jirin Hanti Dhowre Guud oo ka madax-banaan xukuumadda oo hoos yimaada Golaha Sharci Dejinta sida dalalka qarkood.
10) Gaabis ka jira qabyotirka dhamaan sharciyaddii maaliyadeed ee loo baahna, si
Isbedel nidaam maaliyadeed uu u yimaado.
11) Baahi weyn oo loo qabo in shaqaalaha maaliyadda aqoontooda sare loo qaado
oo la tayeeyo. Kuwa hadda dibeda wax-ku-soo bartey ee la leeyahay waxay gaaf-wareegayaan wasaaradda dhexdeedana xilal loo dhiibo oo la meeleeyo. Agabkii iyo
dhiirigelintii ay u baahnayeenna loo dhameeyo. “Shaqaale tayeysan la’aani waa nidaam maaliyadeed la’aan hufan.”
12) Miisaaniyadaha dawladaha hoose oo aan ka muuqan nidaamka maaliyadeed ee qaranka
13) Deeqaha mashariicda horumarineed ee deeqbixiyaasha inooga yimaada oo iyana ,si tafatiran uga muuqan, miisaaniyada qaranka oo u baahan in deeqahaas iyo, hadday jiraan, deeqo mashaariic horumarineed oo miisaanyada loogu talo-galey lays-raaciyo.
14) Waxaa loo baahanyahay kala-caddeynta iyo kala xadeynta cashuuraha kasoo kala baxa dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee aan hadda is- ogeyn si aan lays-kugu
xadgudbin. Hadda waxa la sheegaya cashuuro ay dawladaha hoose hore u qaadan jireen in dawlada dhexe ka- maroorsatay.
15) Waxa kale oo loo baahanyahay warbaahin maaliyadeed,oo iyana hufan,oo laga dheehan karo warbixinno kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hoos ku qoran:
- b) Maxa laga faai’iday oo ka soo baxey natiijadii miisaaniyaddii la fuliyey sanadkii dhamaaday.
t)Maxa kharashyo loo kala qoondeeyey sektarada dhaqaale ee istraatiijiga ah ( strategic economic sectors), sideeebanay u kala isticmaaleen.
j)Siduu ahaa anshaxa guud ee maaliyadeed ee ku saabsan isticmaalka miisaaniyada.
- x) Maxay miisaaniyadu ku soo kordhisay adeegyadii bulsho oo rali geliyey shacbiga.
Waxaa xasuus mudan in la iftiimiyo in higsiga Somaliland ee ku wajahan in dalka loo sameeyo nidaam maaliyadeed oo hufan oo la-jaan-qaada nidaamyada caalamka ka jira uu soo jiitamayey Ilaa sanadkii 2008dii. Markaas oo wadahadalo ay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la gashay masuuliyiin ka tirsan Baanka Aduunka (World Bank) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa laysla qaatey in baadhis cilmiyesan loo sameeyo sektarada ay khuseeyso si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan baahiyooyinkooda kala duwan. Kuwaas oo qaatay ururinta xogaha iyo kawadahadalkoodu hal sano ku dhawaad. Waxa mar dambe lagu heshiiyey in mashruucu bilaabo kadib doorashadii Madaxweynaha ee sanadkii 2010ka, Waxay miisaaniyada mashruucu markaas ahayd 8 milyuun oo dolaar.
Waxaa la qoray koox khubaro reer Somaliland ah oo ka koobneyd 6 xubnood, kuna timid tartan imtixaan furan ah . Waxaa loo soo xulay inay badhitaaraan fulinta mashruuca. Xafiisyadii lagu shaqeenyeyna oo qalabeysan waa la diyaariyey. Kadib markii xukuumaddii UDUB meesha ka baxday ayaa isfaham la’aan ka aloosmay Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Aduunka dhexdooda taas oo hakisay wakhtigii loogu talogaley in mashruuca la bilaabo.Wuxuu mashruucu deldelnaa oo marna si gaabis ah ku socday muddo saddex sanadood ku dhow.
Waxaa Nasiib wanaag ah in Wasiirka Maaliyadda ee hadda jooga uu ku caddeeyey warbixintiisii uu ka horjeediyey kalfadhigii 26ad ee Golaha Wakiilada, 30kii Noofembar, 2014, kuna saabsaneyd “Odoroska Miisaaniyadda ee sanadka 2015 in mashruucii dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland uu bilaabmi doono bisha aynu soo dhaafnay ee Janawari, 2015. Wuxuu kaloo sheegay in miisaaniyadda mashruucu yahay 7.2 milyan oo dolaar, markaasna Wasaaradda loo soo gudbiyey qaybtii hore ee miisaaniyadda oo noqoneysa 4.5 milyan oo dolaar.
Waxaan jecelahay in Wasiirka iyo Wasiirul-Dawlihiisa iyo saraakiisha kale ee kala shaqeyn doona mashruuca aan u hambalyeeyo,kuna boogaadiyo in mashruucan waxtarka weyn u leh dalka iyo dadkaba, si habsami leh oo hagar la’aani ku jirto loo fuliyo. Waxaa hubaal ah in dad badan oo ku feejigan xaqiijinta maamul wanaaga dalka ay idinla socon doonaan.
Allaa mahad leh
La soco Qaybta 5aad ee taxanaha waraysiga