Halkan Ka Akhri: Digreeto Ku Saabsan Fayo Dhawrka Dalka Oo Madaxweyne Siilaanyo Soo Saaray iyo Amarro Uu Faray Hay’addo Dawli Ah

0
133

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo saaray digreeto ku saabsan fayo dhawrka dalka isagoo sidoo kalena Hay’addaha dawliga ah qaarkood amarro fayo dhawrka ku aadan faray.
Digreetada Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.Madaxweyne_Siilaanyo2013

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;

Markuu Tixgeliyey: Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee Magaalooyinka Somaliland;

Markuu Garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;

Markuu Arkay: Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;

Wuxuu Go’aamiyey:

1. In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.

2. In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.

3. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.

4. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here