HALKAN KA AKHRI: Cabdicasiis Samaale Oo La Weriyey In Uu Shuruud Ku Xidhay Qorshe Cabdiraxmaan-Cirro Hor-dhigay+GUDAHA KA DAALACO Xog Muhiim Ah Oo La Xidhiidha Arrintan

0
38

HALKAN KA AKHRI: Cabdicasiis Samaale Oo La Weriyey In Uu Shuruud Ku Xidhay Qorshe Cabdiraxmaan-Cirro Hor-dhigay

Hargeysa (Hubaal/Togaherer)- Dhawaan Ayey ahayd Markii Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Samaale Loo Badalay Wasaarada Waxbarashada Somaliland Taas Oo La sheegay in Ay Ka Dambeeyeen Wasiir Samsam iyo Wadaada Madaxweynaha iyo Cali Mareexaan oo dhinac ah , Kadib Badalidaa loo Badalay Wasaarada Cusub Ayaa Wasiirkii hore Ee Maaliyadu uu iska Casilay Jagadii wuxuuna sheegay in aanuu doonayn in uu wasaaradaa loo magacaabay uu wasiir u noqday. Samaale ayaa intaasi waxa uu raaciyey in aanu xil dambena ka qabanayn Xukuumada Axmed Siiraanyo.

Hadaba Is casilaadaas iyo xil diididaas kadib ayaa waxaa markiiba Md Cabdicasiis Samaale Xidhiidh la sameeyey Gudomiyaha Baarlamaanka Somaliland Ahna Ka Wandani Md Cabdiraxmaan Ciro Taas Oo Uu xidhiidhkiisaasi Daarnaa in uu ku soo biiro Xisbiga Wadani Boos wanaagsana looga Dhiibo Xisbigaasi.
Kadib markii uu xidhiidhkaasi dhacay Md Cirona uu ka dalbaday in uu Ku soo biiro Xisbigiisa ayaa Sida ay wararku sheegayaan waxaa Cabdi Casiis Samaale uu ugu Jawaabay Gudomiyaha Wadani Md Ciro in uu xil ka hooseeya musharaxa Madaxweyne aanuu doonayn Sidaa la ajligeedna waxa uu Md Samaale ka dalbay in uu uga tanaasulo gudoominimada Xisbiga ama Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Wadani.
samaale iyo saaxiibkiiDalabkan Md Samaale Dalbaday ayaa Ciro ku noqtay Lafdhuun gashay taas Oo Ciro uu Labadii boos ee uu yahay ee mid ahaan laga dalbay ay ku noqotay ” Aabahaa iyo hooyadaa iyama la dilaa” Taas macnaheedu yahay in labada boosba uu u arko Muhiim.
Md Ciro ayaa la sheegay in Haa iyo Maya midna aanuu odhan se uu kaga baxay bal aynu isku nimaadno mar kale inaga oo Casho ama Qado wada Qaadanayna.
Dalabkan Samaale Ayaan la ogay Goaanka uu ka qaadan doono Ciro Maadama Oo Laba boosishan oo muhiim ah ay yihiin labadan jago waxaana la sheegayaa in uu Musdambeedkiisii Uu Talo kula noqonaayo.

 Xigasho: Togaherer
GUJI Qoraalkan oo Ka Bogo Xogtan Oo Muhiim Ah oo Aanu Soo xiganaysamaale iyo saaxiibkii

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here