London (Hubaal) Stephen Williams, oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka UK, lagana soo doorto magaalada Bristol oo ah magaalada saddexaad ee ay Soomaalidu ku badan tahay, ayaa sheegay in baarar badan, oo khamriga lagu iibiyo, albaabada loo laabay sababtoo ah bulshooyinka soo haajiray sida Soomaalida ayuu yidhi khamriga ma cabaan.
Mr Williams, Wasiirka Arrimaha Bulshada (Communities Minister), waxa uu Golaha Baarlamaanka u sheegay in ganacsigii baararka khamrigu ee hoos u dhacay waayo bulshooyinka soo haajiray oo bedelay ama degay xaafadihii ay ku badnaan jireen “dabaqadda muruqmaalka caddaanka ah”.
Wasiirka, ayaa sheegay in hadalkiisa saxaafaddu ay buunbuunisay ee aanay ula jeedin cid gaar ah
Haddaba arrintani, waxay dhalisay dood lagu falanqeeyay sababta dhabta ah ee keenaysa hoos u dhaca ka ganacsiga khamriga.
Saxaafadda Britain, oo arrinta aad u qaadaa dhigtay, qaarkoodna ay ku eedeeyeen wasiirka Williams in uu ku kacay fal cunsiriyaddu ku dheehan tahay, ayaa caddeysay in arrimaha ugu waaweyn ee hoos u dhacani ku yimid ay ka mid yihiin dhaqaale burburkii 2009, dukaamada ganacsiga balaaran (super markets) oo iibiya khamri jaban iyo hab-nololeedkii bulshada oo isbedelay.
Taa waxa dheer, joojintii sigaarka (markii sigaarka laga mamnuucay in baararka khamriga lagu cabo), waxay keentay in dad badani ay guryahooda ku caweeyaan halkii ay baararka khamriga ka tegi jireen.
Baararka Khamriga, oo qayb laxaadleh ka soo qaatay horumarka iyo dhaqan-dhaqaalaha bulshada British-ka, ayay tiradoodu hoos u sii dhacaysaa.
Warbixino ay dhawaan soo saareen ururada ay soo saarayaasha iyo ka ganacsadayaasha khamriga ayaa sheegaya in facansiga khamrigu uu u sii yaraanayo. Warbixinta ayaa sheegtay in toddobaad kasta 29 baararka khamriga ah albaabada loo laabo.
xigasho:bbcsomali