Halista Rakib-Baada Miinnada Boorama Iyo Iskaba-Raacinta Baaqigii Wabar

0
47

Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka Boorama oo Saxeexyadii shaqada laga joojiyey, Saylici iyo Xildhibaano Hargeysa ku caleemo saaraya Bedelkooda iyo Is-muquuninta labada dhinac

Boorama(Hubaal)-Khilaaf  jiitamaayey Ilaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee 2014 oo u dhexeeya Golaha Deegaanka Magaalada Boorama, ayaa u gudbay Marxalad aad u culus oo san-saankeedu u eegyahay inay qayb ka noqon doonto xiisada siyaasaddeed ee uu Gobolku la dalai-dhacayo ilaa Bishii December.

Ramaax-iyo-Abdoo-AayarKhilaafkan oo  u bilaabmay hab saddex geesooda walina u socdaa, una kala dhexeeya Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Saylici  iyo xubno ka mida Golaha Deegaanka oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Saleeban Maxamuud Xaddi oo ay weheliyaan Mudaneyaal uu ka mid yahay ku-xigeenkiisa oo garrabsanaya Wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa maraya meel qir iyo qir laysla taaganyahay oo dhinac waliba dhufayska ku jiro. Waxaanu sababay in qayb ka mida Golaha Deegaanka oo ah Kooxda la safan Madaxweyne ku-xigeenku ay Bishii hore iska soo xaadiriyaan Magaalada Hargeysa si ay halkan uga diyaariyaan Weerar ka dhan ah Maayirka iyo ku-xigeenkiisa oo iyaguna dhankooda baroosinka aastay Dhufeys Magaalada Boorama. saylicici

Sidoo kale, waxa la sheegay in Khilaafku, gaadhay heer Saxeexyada Shaqada  laga joojiyo Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka muddo bila ka hor, in gabi ahaanna ay joogsadaan shaqooyinkii waaweyn ee Dawladda hoose ee Degmadu shacbiga u fidin jirtay, kaddib markii Xoghayaha Fulinta oo isugana xaalada alloosan qayb ka noqday shaqadii joojiyey, una soo dhaadhacay Hargeysa oo xarun u ah garabyada is-haya  ka mida, khaasatan Kooxda Madaxweyne ku-xigeenka iyo inay xannibmaan Mushaharaadkii Shaqaalaha ka howl-gala xarunta Dawladda hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Xiisaddu u dhaxayso, kaasoo  ku saabsan arrimahan  muddada dheer jiitamayay ee saameynta taban yeeshay. Maayirka Magaalada Boorama  Saleeban Maxamuud Xaddi oo aanu Khadka Telefoonka ee Boorama  kala xidhiidhnay si aanu arrimahan wax uga waydiino ayaa ka Jawaabi waayay Wicitaanka Telefoonka.  dhanka kalena garrabka Madaxweyne ku-xigeenka oo aanu isku daynay inaanu  cid kala xidhiidhno ayaanay noo suurto-gelin, taasoo muujinaysa inuu jiro gunti isku giijis iyo inay reebantahay goollaaftan laysu mariyo Warbaahintu,  oo aanay dhamaana dhinacyadu  ogolayn inay xogtoodu dibada u soo baxdo ilaa toos laysu waajaho.

Hase-yeeshee Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo Warbaahinta GNA ka heshay halkii uu ka curtay gulufka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya dhinacyada reer Awdal, arrintan ayaa ka dambeysay markii uu  Madaxweyne ku-xigeenku ku eeddeeyey maayirka inuu gacan-saar la leeyahay Suldaanka Fallaagoobay ee Abubakar Wabar oo ay hayb ahaan aad isugu dhowyihiin Maayirka.

cali-uyi-sayMd. Saylici iyo xubno ka mid ah Wasiirrada Gobolka ka soo jeedda ee gacan-yareyaasha u ah, ayaa warku sheegay inay muddo daba socdeen Maayirka, kaddibna ay heleen macluumaad lagu tilmaamay  in Maayirku xidhiidho kala duwan la sameeyay Suldaan Wabar, taasoo ay dello uga dhigteen in xilka laga qaado, isla markaana hadii baadhista xogta ay heleen intaas ka sii durugto talaabo laga qaado, waa siday ku dooddeene.cali uyi say

Warku wuxuu intaas raaciyey in halkaa markii ay ka fad-kudiyeen dhinaca Madaxweyne ku-xigeenku,  Maayirka iyo Jaaleyaashiisa xukuumadda iyo Golaha Deegaanku, ay iyana dhankooda difaac adag kaga gaashaanteen talaabo kasta oo kaga timaada gaashaam-buurta Saylici, waxaana la sheegay in Maayir Xaddi wacad ku maray inaanu xilka ka degayn ee uu iska-difaacayo awood  kasta oo loo isticmaalo.

Ilo-wareedyo aad ugu dhadhow labada dhanba, ayaa daboolka ka qaaday in Saylici iyo Maayirku isla gaadheen hanjabaad,  midba midka kale ku leeyahay waa inoo Boorama iyo keena ku cod bata Golaha , taasoo  markay halkaas gaadhay hubka laysu adeegsanayaa uu noqday 21 xildhibaan ee Golaha Deegaanka oo daraf waliba tiro ka badan kan kale ku mitiday siduu ku heli lahaa.

Waxa la sheegay in bilowgii hore ee Loollanka ay dhinaca Madaxweyne ku-xigeenku Hargeysa keeneen Xildhibaano ku dhadhow Aqlabiyada Golaha, kaddibna damceen inay Hargeysa ku doortaan Maayir iyo Maayir ku-xigeen igmaneyaala kuwaasoo sida qorshuhu ahaa marka laga heshiiyo loogu coddeyn doono Boorama.

Laakiinse xogta Wargeyska Yool helay, waxay daboolka ka qaaday in maalmo kooban markii ay Hargeysa joogeen Xildhibaanada Saylici u yeedhay, qorshahaas wax iska bedeleen,  isla markaana ay u kala fur-furmeen dhexdooda  qaab beelaysan,kaddib markii  Xildhibaano ay Maayirka beel ahaan aad isugu isugu dhowyihiin ay ka biyo-diideen hindise meesha ka saaraya saami-qaybsiga Maamulka Gobolka iyo degmada ee Beelaha,isla markaana Madaxweyne ku-xigeenku soo dhigay qorshe Maayirka iyo ku-xigeenkaba waasiinaya Beesha Jibriil Yoonis ee uu Maayirku ka dhashay.

Waxay taasi sababtay in koox ka mida Xildhibaanadii Hargeysa yimi,  dib ugu laabteen Boorama si ay difaaceyaasha Maayirka  uga mid noqdaan, una naafeeyaan dhanka ay markii la socdeen, taasoo hirig ka dhigtay rajadii dhinaca u badnayd ee bilowgii badheedhaha labada dhinac.

Wararka ku saabsan arrintan muddada taagnayd, ayaa tilmaamaya in Maayirka iyo Kooxda Xildhibaanada ah ee uu Maayir ku-xigeenku ku jiraa, hiil badan ka heleen qayb ka mid ah Xukuumadda, siiba Wasiirka Madaxtooyada, ka arrimaha gudaha oo is-hortaagay in fadhi qorshahan lagu fuliyo loo qabto Golaha Deegaanka iyo Xullafo kale oo aan si toos ah uga muuqan safka hore ee Dagaalka, balse daaha-dabadiisa ka hagaysa.

Waxaana wararkii ugu dambeeyey ee laga helay dhaqdhaqaaqyada ka socda Aqalka Madaxweyne ku-xigeenku sheegayeen shalay ilaa xalay in halkaasi lagu gunnaanaday dooddii dhexdooda u dhaxaysay ee doorashada Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka. Labada Xildhibaan ee xilalkaasi looga doortay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka ayaan midkood la sheegay inay Maayirka isku deegaan yihiin.

Xildhibaanada Hargeysa jooga ee seefta u afaysanaya ridista Shir-guddoonkooda oo uu weheliyo Xoghayihii fulinta ee Dawladda hoose  Xasan Yuusuf Riiraash, ayaa waxa marti-gelintooda xil-weyn iska saaray xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo tan iyo markii ay caasimada yimaadeen qaabilladooda dusha ku qaaday.

Geesta kale, Taageerrada qayb ka mid ah Xukuumaddu u fidisay Maayirka oo xataa la hadal-hayo  in iscasilaadii Badhasaabkii hore ka dhalatay, ayaa dhanka kalena waxa la sheegay inay khilaaf huursan oo aan wali xal laga gaadhin ka curisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaasoo iyana dhankooda isku maandhaafay arrinta, kaddib markii Saylici ku doodday in si badheedh ah loogu gacan-dhaafayo arrimaha Gobolka, gaar ahaan Wasiirrada faraha kula jira hirdanka u dhexeeya Maayirka oo uu ku eeddeeyay gacan-dhaafka, Wasiirradaasoo sida muuqata uu uga ashkatooday Madaxweynaha balse wali uu u arko inay dhufeys u yihiin Maayirka.

Ma cadda qaabka uu ula tacaali doono Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal loo magacaabay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, xiisaddan Sil-siladdeedu xidhiidhsantahay Hargeysa ilaa Boorama iyo inuu ku guulaysan doono soo afjarideeda iyo in kale, balse Dadka u dhuun-dalloola arrimaha Gobolka ayaa aad uga dar-daar warinaya in  hirdanka Saylici dhinaca ka yahay uu aakhirka dab ku sii shido dhibaatooyinka ka dhashay tabashooyinka Bulshada Gobolka ee nabad-gelyada darrada abuuray.

Dhinaca kalena, waxa walaaca arrimahani iftiiminayaa in hadii Maayir Xaddi laga tukhatukhiyo kursiga ay bil khasab-tahay kacdoon ka dhan ah talaabadaas oo ay Taageerayaashiisu ku kacaan, taasoo laga filan karo rabshado hor leh oo mar kale Gobolka Qasa, isla markaana fursad siiya falaagada Suldaan Wabar ee weerarrada mitidnimadu ka muuqato ka bilaabay halkaas.

Dhanka kale, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa shalay xilkii kala wareegay Badhasaabkii hore Cabdoo Aayir. Xil-wareejinta labada masuul ee shaqada la kala wareegay, waxa ka qayb-galay xubno ka mida Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo Munaasibada Xil-wareejinta ka hadlay, ayaa Qurbo-joogta Gobolka ugu baaqay inaanay xaalada Gobolka sii hurin ee ay wanaaga iyo horumarka ka shaqeeyaan.

source:GNA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here