“Haddii reerka Maxamed Case Ay Hadallo Qadaf Ah Cid Ka Tirsanayaan Xaal Baan Ka Bixinayaa, Laakiin Madaxweyne Ku Xigeenku……”

0
43

“Madaxweyne ku xigeenka   dhan walba waan ka hoga-tusaalleeyey  [laakiin] wuu isa soo taagay… Haddii uu Wax Kasta Yeelli Maayo  yidhaahdona   Dee Waa U Fool Xumo Annagana Dhibaato Ayaa Na Soo Gaadhaysa” – Xil. Ibraahin Kacaan

Ibraahin KacaanHargeysa (Hubaal) Xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe oo katirsan golaha wakiillada ayaa  badhi taaray hadal hore uga soo yeedhay xildhibaan Xasan Cawaalle oo ay isku deegaan ka soo jeedaan, hadalladaas oo dhaliilaya madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Xildhibaan Xasan Cawaale oo toddobaadkan warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u weeraray madaxweyne ku xigeenka isaga oo qabyaallad ku eedeeyey in uu u kala eexday laba sarkaal oo ka wada tirsan ciidanka Ilaallada Madaxtooyada, kuwaas oo mid kamid ah laga bedelay xilkii uu ciidanka u hayay oo ahaa khasnaji, isla markaana mid kale lagu bedelay, hase yeeshee Xildhibaan Xasan Cawaale uu sheegay in Madaxweyne ku xigeen hab casabiyad huwan uga shaqeeyey arrintan.

Haddaba Xildhibaan Ibraahin Kacaan ooisna ka tirsan mudaneyaasha ruug cadaaga ah ee xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Hargeysa, gaar ahaanna Gabiley ayaa shalay xaal ka bixiyey weedho ku jiray  dhaliillaha Xasan Cawaale ku duray madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo ku dherernaa qabiil. “Waxaan doonayaa oo aan ka cudur-daaranayaa haddii ay reerka Maxamed Case [Samaroon] la yidhaahdaa cid ka tirsanayaan  hadallo qadaf ah, xaal baan ka bixinayaa, waa reer aanu walaallo nahay, reer aanu isku abti iyo seedi nahay, waa reer aanu wada degno oo gob ah, wax alla wax ceeb ah oo ay naga geyaanna ma jiraan”. Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo shalay warbaahinta qaarkeed ugu warramay magaallada Hargeysa. Xildhibaan Ibraahin Kacaan waxaa uu sidoo kale ka hadlay kulamo ay isaga iyo masuuliyiin kale oo xisbiga KULMIYe ka tirsan la yeesheen madaxweynaha, “annaga oo odayaashii KULMIYE ah, Madaxweynaha habeen afraadkii baan la hadlay, waxaan ku idhi Madaxweyne dadkana madaxweyne ayaad u tahay, labada inan ee la hadal hayana madaxweyne ayaad u tahay, haddii midi meesha fadhiyo maanta, ku kale ayaan dul keenayaa adigana waa kuu sharaf xumo iyo magac xumo, xisbigeennana wax bey yeelli ee waxaan kaa codsanayaa  inaad arrintaas ka joogto, laba xidiglahaa aad sidatana meello kale oo aad geyso maad waayine meel kale gee, laakiin inankaas yar ee aad marna tidhi waa awawgay, marna aad tidhi waa KULMIYE ah hadul geyne ka daa ayaan ku idhi”, ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Kacaan, waxaanu intaa ku daray hogatusaaleyn uu sheegay in uu Madaxwene ku xigeenka u sheegay “Madaxweyne ku xigeenka si walba waan ula hadlay, dhan walba waan ka hoga-tusaalleeyey oo dhan walba wax waan ka tusay, [laakiin] wuu isa soo taagay, wax uu isagu [madaxweyne ku xigeenku] meel isugu dhejiyo oo wax kastaba uu u yidhaahdo anigaa lehe haddaan sidaas la yeellin aniguna yeelli maayo, dee waa u fool xumo annagana dhibaato ayaa na soo gaadhaysa” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Kacaan. Gebogabadii waxaa uu Xildhibaanku sheegay in uu tallooyin u soo jeedinayo Madaxweyne ku xigeenka iyo cid kasta oo arrintan ku lug leh “anigu sidaas aan idhi baan ula hadlay madaxweyne ku xigeenka, immikana waxaan kula talinayaa in uu arrintaas faraha ka qaado oo uu ka noqdo waayo maanta waa nin madaxweyne ku xigeen ah berrina xilka doonaya, markaa in uu waxbadan dhaaf dhaafo oo uu ka xishoodo xaq baa loogu leeyahay. Mida labaad marka ay inankiisa noqoto haddii inan yar oo kale iyo inankiisu ay meel isku qabsadaan waxaa roon in uu madaxweyne ku xigeenku inankiisa qabto dadnimada iyo odaynimaduba sidaas bay ku jirtaa waayo madaxweyne ku xigeenka soo socdaa waa isaga, waxayse ila tahay  nin waliba waxa uu dadka gashado ayuun buu helayaa, isaguna waxa uu immika dadka sii gashado ayuun buu heli doonaa berri.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here