“Haddii Gudoomiye Cirro Gafay, Annagu waanu Aqbalaynaa..Baabuurta Dalka Soo Galaysaa Waa Baabuur Liidata..” DAAWO Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Xumaaday Laalista Lacagtii Baabuurta Laga Qaadi Jiray

0
29

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka ee Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka xumaaday go’aanka golaha wakiiladu ku laalay lacagta 80 dollar ahayd ee laga qaadi jiray baabuurta dalka soo galaysa. Waxa uu sheegay inaan gudoomiye Cirro iyo mudaneyaasha Kulmiye ee ansixiyayba daacad ka ahayn Mooshinka arrintan lagu laalay isagoo iftiimiyay inay suuro gal tahay inay isaga ku xumaynayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay aqbalayaan go’aanka inkasta oo uu ku tilmaamay mid aan sifihii sharciga ahaa marin. Wasiirka oo maanta saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in hawsha baadhistu sii soconayso balse lacagta la joojinayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here