Wasiir Shucayb Oo Mushkillada Keliya Ee Ka Dardaar Werinaysa Saldhiga Millatari Ee UAE Ku Macneeyey Shakhsiyaad U Darban Jahawareerinta Ummadda
“Dhulka Ma Guuro, Xukuumadduna Iyada Ayaa Dalka Mas’uul Ka ah, Oo Looga Fadhiyaa Umadda Shaqo Abuurkeed…Cidii Doonaysa Inay Dhulka [Somaliland] Maalgelisaa Waxaa Ay Leedahay Masaaliix, Innaguna Maalingelinta Masaaliix Baynu Ka Leennahay, Maantana Qiimihii Dhulka ee Berbera Cirkaas Ayuu Marayaa, Marka Immika MAdaarka Lagu darana …”
“Dawladda Itoobiya Waa Dal Wayn Oo Aynu Saaxiib Nahay, Arrinta Odhanaysa [Itoobiya] Wey Diidan Tahay saldhiga Millatari, Waxaan Leeyahay Arrintaas…..”
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa difaacay saldhigga militeri ee Imaaraadku doonayo inuu ka samaysto magaalada Berbera, waxana uu sheegay inuu saldhiggaasi qaranka wax badan usoo kordhin doono.
Wasiir Shucayb oo u warramay Telefishanka Star Tv, ayaa meesha ka saaray dhaliilaha ay mucaaridku u jeediyaan saldhigaas, waxana uu ku adkaystay inay shacabku hirgelintiisa la dhacsan yihiin,“qofku haddii aanu aqoon u lahayn ujeeddada shay laga leeyahay maqluubkiisa ayuu uga shaqeeyaa, saldhigaas militeri reer Berbera-na kama xuma, reer Somaliland-na kama xuma oo cid mushkilad sheegaysa oo dhiillo waddaana ma jirto oo aan ahayn shakhsiyaad doonaya inay umadda jaahwareeriyaan”ayuu yidhi wasiir Shucayb Maxamed Muuse.
Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiir Shucayb Maxamed Muuse waxa caddeeyey in meelo badan oo adduunka kamid ah laga hirgeliyey saldhigyo militeri, isla-markaana loo baahan yahay in faa’iidooyinka saldhigaas loo dhug yeesho, waxana uu yidhi,“Saldhigga Militeri intaas oo waddan oo caalamka kamid ah ayey ka jiraan, waddamada jaarkana way ku badan yihiin, hanna laga eego faa’iidooyinka uu inaga inoo leeyahay waxana aynu intaas oo sanadood ayeynu raadinaynay inay masaaliixda aduunyadu ina soo galaan, cid dalkeena qaadanaysaana ma jirto.”
Waxa uu caddeeyey in Somaliland iyo cidda saldhigaas degaysaa isweydaarsanayaan masaaliix kala duwan, isla-markaana shaqo abuurka bulshada looga fadhiyo xukuumadda, isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya inay Ethiopia diidan tahay saldhiggaas,“dhulku ma guuro cidina ma qaadato, ciddii doonaysaana maal bay gelisaa oo masaaliix bay leedahay, inaguna masaaliix baynu leenahay, xukuumadduna iyada ayaa dalka ka masuul ah umadda shaqo abuurkeedana iyada ayaa looga fadhiyaa, Ethiopia-na waa dawlad weyn oo aynu saaxiib nahay, arrinta odhaysa saldhigga wey diidan tahayna wax ka jiraa ma jiraan, maantana qiimihii dhulka ee Berbera cirkaas ayuu marayaa, marka imika madaarka lagu sii darona waxa ay magaaladu ku noqonaysaa sidii ay beryo ahaan jirtey”ayuu yidhi wasiir Shucayb Maxamed Muuse.