Wefti Ka Kooban 150 Madax-dhaqameed Oo Kasoo Kicitimay Ceerigaabo Oo Hargeysa U Jooga Tabasho Ay Sheegeen Inay Madaxweynaha Kala Hadlaan
“Goor Kastaba Hagaadhee Waxaanu Rajaynaynaa In Aanu Madaxweynaha Sida Ugu Dhakhsaha Badan Isu Aragno… Waxaa Kale Oo Halkan Baaq Nabadeed Uga Dirayaa Laba Beelood Oo Colaadu Ku Dhexmartay Gobolka Sanaag”
Hargeysa (Hubaal) Ergooyin is kugu jira Salaadiin, Cuqaal, Boqoro iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda gobolka Sanaag iyo saaxil Bari oo ku sugan magaalada Hargeysa mar ay shalay la hadlayeen qaar kamid ah warbaahinta waxa ay sheegeen in ay magaalada hargeysa ay u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay sheegeen in doonayaan in ay kala hadlaan daha dadka ka soo jeeda deegaana daasi. Suldaan Cali Yuusuf (Bada-Cas) Oo Ugu Horayn Halkaasi Ka Hadlay ayaa Waxa uu yidhi, “Anagu waxaanu nahay waftigii ka timid Ceerigaabo ee u socotay danaha ceerigaabo ee ka koob nayd 120ka ee sanaag ka yimid oo waxaanu is kugu jirnaa waayeeladi, Salaadintii, jiif caaqiladii saaxil bari iyo sanaag waxaanu u soconay tabasho tabashadayadaana waxaanu ula soconay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, dalka hadaanay lexejeclo aanay naga hayn maanaan nimaad neen” Suldaan Cali Yuusuf (Bada-Cas). Boqor Jire Xaaji Xasan Oo Isna halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa uu yidhi,“Waxaan doonay naa in aanu madaxwaynaha la kulano oo dana hayaga aanu kala hadalno” Ayuu yidhi Boqor Jire Xaaji Xasan. Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay ayaa waxa uu yidhi, “Madaxwaynaha ayaanu u soconaa goor kastaba hagaadhee waxaan rajay naynaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan isku aragno waxaa kale oo halkan baaq nabadeed uga dirayaa laba beelood oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoos yimaada gobolka Sanaag” Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor . Waxaa Kale Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Siciid Wardhaa oo ka mid ahaa odaya ayaa waxa uu yidhi,“Waxaanu halkan ku joogna Ergooyinka yimid gobolka Sanaag iyo bariga Saaxil waxaanu u soconay danihii aanu qaranka ku lahayn oo is aragno madaxwaynaha cid kale umaanaan socon oo aanu u sii marno wasiirka arimaha gudaha” Ayuu yidhi Oday Siciid Wardhaa
Gaba Gabadii Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadlay Cabdi Maxamuud Qolonbi waxaana uu yidhi, “Waxaanu kaa cod sanayna mudane Madaxwayne in aad si wayn u soo dhawayso waftigaa ka timid labada gobol”.