Waxa Uu Ka Codsaday In Xafiisyo Xisbiga KULMIYE Ku Abtirsada Laga Furo 6-Da Degmo Ee Hargeysa, Kuwaas Oo Uu Kharashkooda Bixin Doono
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kulan qarsoodi ah gurigiisa ku yaalla magaalada Hargeysa kula yeeshay dhallinyaro ka kala socota degmooyinka kala duwan ee caasimaddu ka kooban tahay, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo kala duwan oo hankiisa iyo rabitaankiisa siyaasadeed ku saabsan. Sida ilo xog ogaal ah oo fadhigaas u dhuun daloolaa u xaqiijiyeen wargeyska Hubaal, waxa uu wasiirka hore la kulmay dhallinyaro tiradoodu ahayd 60-qof, kuwaas oo uu afuro ugu sameeyey gurigiisa habeenkii ay soo gelaysay sabtidu ee ay bishani ahayd 10-ka, isagoo halkaas ku faahfaahiyey dardargelinta hawlo uu sheegay in baahi weyn loo qabo. Kulanka Xirsi dhallinyarada la qaatay, ayaa waxa uu kaga warramay xagal-daaca iyo habaca ku yimi rabitaankii isaga iyo kooxda uu hoggaamiyo ee la baxay garabka is-bahaysiga KULMIYE, kuwaas oo aaminsaa in isgarabsigoodu saamayn ku yeelan doono xisbiga dhexdiisa, balse haatan u muuqda mid dumay oo meesha kasii baxaya. Ex. Wasiir Xirsi waxa uu faahfaahiyey in hoos udhaca muuqda eek u yimi meeqaamkii siyaasadeed ee ay bulshada ka taagnaayeen isaga iyo saaxiibada ay isku fikirka ka noqdeen shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee sanadkii tegay Hargeysa ka qabsoomay, isagoo hoosta ka xarriiqay in baahi weyn loo qabo sidii hantaaqooyinkaas siyaasadeed looga soo kaban lahaa. Hadal kooban oo uu dhallinyaradaas u jeediyey, ayuu Xirsi Cali Xaaji Xasan ku sheegay inuu bulshada caasimadda ku dhaqan uga baahan yahay taageero iyo inay ku garab galaan fikirka garabkoodu hore uga qaatay xisbiga KULMIYE dhexdiisa, waxana uu soo jeediyey qoddobo dhawr ah oo uu u arko in dib loogu soo celin karo meeqaamkii ay bulshada ka taagneeyeen oo uu garwaaqsan yahay inuu si xawli ah hoos ugu dhacay. Sida xogaha fadhigaas u dhuun daloolaa noo xaqiijiyeen, waxa uu Ex. Wasiir Xirsi da’yartii aqalkiisa kasoo xaadirtay u sheegay inuu hayo afkaar dhawr ah oo uu dib loogu soo celinayo miisaankii siyaasadeed ee xubnaha is-bahaysiga, waxana uu ballan ku qaaday inuu jeebkiisa ka bixin doono kharashaadka tiro xafiisyo ah oo uu tilmaamay in degmooyinka caasimadda laga furi doono, isla-markaana ku hawgeli doona magaca xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu wali ka tirsan yahay. Xafiisyadaas ayuu ku sheegay inay noqon doonaan qaar dhallinyaradu gacanta ku hayn doonto, isla-markaana ku shaqayn doona fikirkiisa, dadkana lagaga dhaadhicin doono aragtidiisa, isagoo da’yartii madasha joogtayna ku beer-laxawsaday inuu hiil weyn u galay dadka caasimadda Hargeysa ku dhaqan, isla-markaana uu taageero weyn u muujiyey wasirikii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo uu ku sheegay inuu u arkayey inuu dalka wax badan kusoo kordhin karo. Waxa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay inay qabyaaladda ka fogaadaan, isagoo xusay in markii uu goostay inuu taageero Maxamed Biixi uu go’aankiisa ku jaangooyey qabyaalad-diid, isla-markaana uu ku qotomiyey himilo iyo aragti uu aaminsanaa in haatan waddanka looga baahan yahay. Xoguhu waxa ay intaas ku dareen inuu si weyn Xirsi Cali Xaaji Xasan ugu noqnoqday inuu yahay qof han heer madaxweyne gaadhsiisan leh, isla-markaana wata fikir qabyaaladda ka fog oo shacabka oo dhamu u siman yihiin, isagoo ka baryey inuu baahi u qabo in taageeradiisa laga shaqeeyo. Xafiisyada magaca xisbiga KULMIYE oo baalmarsan sharciga dalka u yaalla, ayuu ku sheegay qaar si hoose u shaqayn doona, isla-markaana ay iskugu iman doonaan dhammaanba dadka isaga la aragtida ahi, muddo kadibna isaga iyo taageerayaashiiba ku biiri doonaan xisbiga ay door bidaan. Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo kooxdii ay isku fikirka ahaayeen ee xukuumadda iyo xisbigaba ka wada tageen, ayaa kala weytibaaqay, waxana soo baxaya warar sheegaya in intooda wali wada socotaa isku afgaran la’yihiin ku biiritaankoodii xisbiga WADDANI oo ay hore u shaaciyeen inay wada-hadal kula jiraan.