Hargeysa:(Hubaal)-Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haysa Lab Wiilal oo Soomaaliyeed, kuwaas noqday Dadkii ugu horreeyey Oo Nooc cusub oo tahriib ah ku gala Dalka Canada, iyagoo ka tegay waddanka Maraykanka. Mid ka mid ah labada wiil oo u waramayay BBC-da ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay ku galeen dalka Kanada iyo waxyaabihii ku dhaliyay inay ka tagaan dalka Mareykanka oo markoodii hore ay ku sugnaayeen.

Wiilkan oo lagu magacaabo Yaxye Jaamac Samatar, ayaa sheegay in isaga iyo wiil kale oo aanu magaciisa sheegin ay go’aansadeen inay isaga tagaan dalka Mareykanka oo ay galaan dalka deriska la ah ee Kanada. “Dabaal ayaan ku galay dalka Kanada, kaddib markii webiga ku yaala xadka aan hal habeen ku jiray anigoo markii waagu beryay dabaal kaga gudbay webiga” ayuu yihi Yaxye Jaamac oo sheegay in wiilkii la socday ay kala lumeen. Yaxye waxa uu sheegay in dabayaaqadii sanadkii hore uu tegay dalka Mareykanka, isla markaana loo diiday in sharciga dalkaas la siiyo, isagoona sheegay in la xidhay kaddibna markii la soo daayay uu go’aansaday inuu dalkaasi isaga tago, maadaama uu ka cabsaday in dalkiisa soomaliya dib loogu celiyo iyadoo ay weli taagan tahay dhibaatadii uu ka cararay.“Markii aan galay dalka Kanada waxaa la i geeyay meel ay degan yihiin dadka qaxootiga ah, waxaana rajeynayaa in marka sharciga dalkaas la i siiyo aan halkeyga ku noolaanayo” ayuu markale yidhi. Labada wiil oo xilli habeen ah isku dayay inay ka gudbaan webiga u dhaxeeya dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa midkood gudbay, halka Yaxyena dib uga laabtay kaddib markii uu ka baqay khatar uga timaada biyaha webiga oo xowli ku socday xilliguna habeen ahaa, isagoo habeenkii ku baryay webiga xeeligiisa. Tahriibka noocan cusub ah ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay shacabka Soomaaliyeed oo baraha bulshada isku dhaafsanayay fikrado kala duwan isla markaana sheegay in tahriibkani uu yahay mid nooc cusub ah oo aan weli hore loo arag.