“Guurtinimadu Waa Sharcigoon La Gees Marin”Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI‏

0
56

Xilliga doorashadu dhacayso waxa muddeeyay haayaddii dastuurku xaqa u siiyay ee ay ahayd masuuliyadeeda inay doorashada inoo cayimaan maalinta loo dareerayo, Sadddexda xisbi qaran way ku raaceen si bilaa shuruud dood adagna kama dhalan, waxaanay tixgeliyeen go’aanka Komishanka Doorshayoonka Qaranku xilligaas farsameedkaay soo jideeyeen, madaxweynaha oo masuul ka ah xukuumadda markii Komishanku u keenay qorshahooda ee ay yidhaadeen waqtigaasa ugu suuro galsan si niyad samaanu u soo dhaweeyey waanu la qaatay, hal xidhaalaha u baahan in la furfuro iyo su’aasha aan jawaabata weli loo hayni waxay tahay muddo kordhinta dabada yaa ka riixaya mar haddi madaxweynihii masuulka u sareeyay ahaa asxaabti qaranku la qaatay komishanka qaranka in dorashadu qabsoonto kal danbe.

sidiiq

Hubaashi waxa dabada ka riixaya muddo kordhin isla xukumadda Komishanka la qaadatay ee aan dooda gelin sannadka korodhsiimada ah waxay taasina markhaati ka tahay uur aan daacad ahayn iyo afkoo haye laga yidhi, waxa jira laba garab oo u kala safan yahay qasriga dalka looga arinsho qaybi waata komishanka adeecday wadar kalena waa ta dabada ka riixaysa muddo kordhinta ee guurtida u suul dhabaalaynaysa hadh iyo habbeena ku foogan kaartooyinka kadeedan ee midba mid ka darantahay, taasian waxay marag ka tahay xukunka sida xeedhada la wadaagayo.

Guurtida xilkooda dastuuriga ahi ma cayimidda doorashada? Danta ugu jirta dib u dhiga doorashada maxay tahay? Guurtida xilkooda dastuuriga ah ee kaga aadan doorashadu waa haddii aafooyin dabiiciya ama amni daro iyo xaalado la hal-maala dhacaan haddi ay muuqato inaanay doorasho suuro gal ahayn inay qabsoonto ay kordhiyaan xilli munaasiba oo ku habboon in doorashada la diyaarasho qorshe hawleedkeeda. Danta ugu muhiimsan e ugu jirta odayada guurtida ee u ham iyo digle korodhsiimada xaaranta ah waa macruuf sebigu garanaayo, waa fara guudkooda iyo baqshiish aan badnayd oo qayil iyo qado aan dhaafin. Maalmahan waxay warbaahinta ku arkaynay xildhibaano ka tirsan gurtida oo fagaarayaal la taagan xukumadda waa loo kordhinaya. Ma xumee haba la kordhiyee waa maxay sababta loo kordhinyaa ma waxaan ahayn xilgudhso la’aanba ilay masiibo alle ma keenin doorashada dib u dhigta miyaanay ahayn dal burburin iyo dawlad saaqiday abaal marinteed.

Maxaa ku jaban sannadka komishanka qaranku ka fekeereen ee la kordhiyay, hawshee baaqanaysa ee u baahan in labba sanno la kordhiyo, waa laysla garanayaa shaqadda doorashada inga xigta inta ay ku qabsoomayso, maxaa xilka ummada laysugu dhejin ee sifo aan sharci ahayn loogu kordhisan haddi kalsooni laydinku qabo eegedan doorasho gala oo guulaysta bal waa cida idinka masuugte, haddi aad ogtihiin halka iyo heerka aad ka taagantihiin shacabka shanta sanno aad hagrateen hawgu darina hatigaad iyo qas siyaasadded oo aan la qaadi karayn, haddi xis fayoow iyo xurmo aad leedihiin muddo xileedkiini wuu dhamaade tartama oo dalka iyo dadka hakala irdhayninee tudhaale yeesha.

Guurtida waa gole xurmo mudan waxaanay ahaan jireen gole odayaynta iyo ilaalinta aminiga midnimada iyo wanaag dalka u jira Somaliland samaheeda ka shaqeeya horayna loogu ogaa doorkay qaateen, maanat imtixaan adagbaa idin horyaal waxaydun kala dooran laba miduun, in shacabka aad u abaal gudaan oo aad kafarxisaan kana shaqaysaan samaha soomaaliland, oo aad waafaqdaan go’aanka ummadu isku raacday ee xisbiyada iyo xukumaddu wada qaateen, inaad xukuumadda sharci daro ugu kordhisaan muddo aan ummada iyo addunku ka raali ahayn oo aad doorbidaan cashuurta maatida ee qasnada dawlada laydinka xantoobinaayo oo aad ilawdaan xisaabta alle iyo xilka guudkiina saaran.

Gudida la saaray maanta ee guurtida ah waxa saaran masuuliyad miisankeedu culus yahay ummada oo dhammi waxay ku eegaysaa dareen foojigan waxa laydinku hayaa toosha afar dhagaxle ah hadaad qiyaantan shacabka qalinka idin qoraaya cidna idinka qaadanmayso waxaan ahayn go’aanka Komishanka qaranka soo jeediyay, waxa maanat laydinka fadhiyaa go’aan geesnimo leh oo dab u ah daleekna. Yaanay idin beer-laxawsan xukumadda xilkii ummada gabtay ee shantii sanno ee la doortay ku faashilantay inay doorasho hirgeliso, abaalna hawga dhigina muddo xaaran waxaad tixgelisaan dhawaaqa shacabka, dawladnimadu jirimayso hadaan shacabka la ixtiraamin oo aan la dhegaysan rabitaankooga.

Gudoomiye saleebaan waxaan kula talin lahaa hadimada inuu ka daayo shacabka duruufaha adag la dariska ah oo uu dareen muwaadin ku eego xaaladda dalku ku jiro, looma baahana maanta ku jiqsi iyo aarsi siyaasadeed, looma baahna maanta dhegah in uu furaysto waxa loo baahan yahay inuu noqdo oday guurtiya oo u dhexe ummada masuulka uu ka yahay, hadaan la tixgelin rabitaanka shacabka oo aanad dhagaysan bulshada aad ku haysato ixtiraamka, maamuuska iyo milgaha yeelan maysid, si dhaba u dhugo xaaladda guud ee dalka go’aanka dhegta laguu saraya yaanu Somaliland go’doon gelin. Maanta waxa lagaa sugayaa odayayn iyo inaad Somaliland taariikh gashato.

Mudane madaxweyne shacabkaago ku jecel oo u ooman isbedel ayaa kuu codeeyay, waxa laguu istaagay bacad iyo bacaad, kumanaan hooyo oo aan qaadi Karin cadceeda ayaa ku dheemaalay sidii aad u noqon lahayd madaxweyne waxa intaas oo dhan loo yeelay inaad dawladnimadeena curdinka ah aad ilaaliso oo aad horseedo horumar iyo badhaadhe. Intii alle kuu qoray waad xukuntay ummadaada maanta waxa la taaganyahay maalintii aad samaysan lahayd taariikh iyo magaac ifka kaaga hadha, doorashada inaad qabato oo aanad korodhsan muddo xaarana waxay kuu keeni doonta milge iyo maamuus gooniya, hadaad qaado jidka aad maanta cagta saartay oo aad hiyiga ka saari waydo kordhin bilaa sababa waxaad ummad ka hor dhaqaaqi adigoon lahayn karaamo iyo maamuus. Sharciga aad ku tahay madaxweynahaku tahay hadaad ilaalin waydana si xaarana ummada ku xukumaysid.

Muddo kordhinta maanta la dhaqdhaaqjinaayo waa la eedi oo dal ahaan inooma aha sharaf dunidi innagu faani jirtayna bog madawbay ina gelin, sannadkaasi idiinku filan kiishashka cusub ee aad tolateen way ku buuxsami kolhadaan dhiilihi hore hilmin oo weli aad jeel qabtaan masruufsiga maatida, halaydiin duceeye dalka ka daaya hadimada ummadda tabalaysani ma qaadi karaan qaska aad horsedaysan, hiyiga geliya oo ha hilmaamina inaydaan ku ledayn labba sanno oo aad ku korodhsataan sharci daro waxaanay dambarsanaysaa waa godihiinta iyo mustaqbalka ubadkiina.

Hadiise aad tubtaas qaadaan oo aad sharci darada door bidaan waxaad cadaynaysaan inaad tihiin kuwo godad badan oo aan laxejeclo ka hayn gurigooga iyo gayigoogaba isla markaana dhaafsanayana gasiin aan gun dheerayn.

Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI

Maxamed Sidiiq Dhamme

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here