Gurigii Martida”Sheekh Guest House 2” Oo La Xaraashay: Axmed Xassan Bulsho

0
31

Degmadda Sheekh, oo ku caan ah goob waxbarasho oo dalxiiska ku wanaagsan, ayaa beryahan dambe waxa sii kordhayey fadhiidnimadda iyo musuqmaasuqa hadheeyey dawladda hoose ee magaaladda sheekh, iyadoo ay sii kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa.

Hadda, waxa ugu dambeysay in la xaraasho guri ka mid ah guryihii qadiimka ahaa ee magaaladda gaar ahaan xaafadda shacabka ee dhanka woqooyi ee magaalada ku taal. Goobahan oo ay ku badanyahiin guryaha dawladda dhexe maamusho iyagoo ah hanti qaran, ayaa inta badan ay guryahaasi yihiin qaar dunsan iyo qaar ay dadkale iskaga jiraan sife aan sharciga waafaqsanayn.

guriga martida sheekhMarka laga yimaado inta guryahan taariikhiga ah ee dunsan iyo kuwa la isticmaalo. waxa jira dhul banaan oo ay fadhataysatay dawladda hoose iyagoo sifo aan sharci ahayn u bixisay inta badanna uu dhulkaasi marsanyahay sees (foundation stone). waana ayaan daro in musuqmaasuqa ka socda degmadda aanay dawladda dhexe kaba war hayn, iyadoo maamulka dawladda hoose ee magaaladda sheekh waxba aanu ku qaban cashuurtii laga qaadayey gaadiidka wadada mara, inay hadana ku darsato inay xaraashaan hantidii qaranka ee ay ka midka yihiin goobahan taariikhiga ah ee la dhisay wakhtigi hore ”colonial era”.

In badan dadweynaha magaaladu waxay hadal hayeen in loo dhiso guriga martida, balse haatan waxa la iibiyey gurigii ku xigay oo laga iibiyey shakhsi qubo joog ah, sidaas awgeed,waxaan ugu baaqayaa dhamaan bulshoweynta somaliland iyo maamulka gobolka saaxil inay joojiyaan boobka lagu hayo dhulka iyo dhismayaasha taariikhiga ah ee magaaladda sheekh. Waayo cid kale oo ka damqanaysaa ma joogto, maamulkii magaaladduna waxa uu ku mashquulay fadhataysiga hantidda umadda iyo lunsiga cashuuraha laga qaado gaadiidka wada mara.

Sidoo kale adeegyadda Bulshada tii ugu muhiimsanayd oo ah biyaha ayaan ilaa iminka magaaladu aanay helin.

Axmed Xassan Bulsho

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here