Jabuuti (Hubaal) – Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Marxuum Idiris Arnaud Ali ayaa caawa geeriyooday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu u jiifay qalliin lagu sameeyay.
Allaah ha u naxariistee, Idiris Arnaud Ali ayaa dhashay sanadkii 1945-kii, waxaanu Baarlamaanka ku biirey sanadkii 1997-kii, waxaanu xilka Guddoomiyenimada loo doortay sanadkii 2003-dii, imika oo uu geeriyoodaydana waxay ahayd teeramkii saddexaad ee uu xilkaasi hayo.
Geerida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxa dawladda Jabuuti ka tacsiyadeeyay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu dhambaal Tacsi ah ku yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti”
sidoo kale, Allaah ha u naxariistee, Marxuumka ayaa waxa Tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sida lagu sheegay dhambaal xalay naga soo gaadhay xisbiga WADDANI, Kaasi oo u dhignaa sidan “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawladda Djabouti iyo Shacbigeedaba, gaar ahaan Baarlamaanka Djabouti iyo Madaxweynaha Dawladda Djabouti Md. Ismaaciil Cumar Geele isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Naxdinta Leh ee ku timid Alle Haw Naxariistee Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnoud Ali.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Isagoo Ka Wakiil ah Baarlamaanka Somaliland Gaar ahaan Golaha Wakiilada wuxuu tacsidan gaadhsiinayaa dhammaan Dadka Iyo dawladda Djabouti.
Dhinaca kale Gudoomiyuhu isagoo ka wakiil ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, gaar ahaan xubnaha Hoggaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI wuxu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa dhamaan umadda reer Djabouti oo uu ka baxay gudoomiyihii baarlamaanka Djabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali.
Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Idiris Arnoud Ali Gudoomiyihii Baarlamaanka Djabuti, dhamaan qoyskiisii iyo umadda reer Djabouuti ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka”