Guddoomiye Saleebaan Oo Qarsoodi Dalka Kaga Kaga Baxay Xilli Ismaan-dhaaf Uu Qayb Ka Yahay Aloosan yahay

0
43

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maalin-nimadii shalay dalka kaga baxay safar qarsoodi ah oo aan warbaahinta lala socodsiinin. Socdaalka Guddoomiyaha oo ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen Xubno isla-golihiisa ahi, ayaa ku ekaa waddanka Ingiriiska oo Guddoomiyuhu Rasmi ahaan u deggen yahay, isla-markaana uu ku nool yahay dhakhtiiska gaarka ahi.  saleebaan gaalGuddoomiye Saleebaan ayaa waddanka ka baxay xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo qallafsan iyo ismarin waa ka dhashay muddo-kordhin Golaha Guurtidu xukuumadda u samaysay, taas oo heshiis dabadeed axsaabta iyo xukuumaddu gaadheen uu Guddoomiyuyuhu sharci-darro ku tilmaamay.  Safarkiisa ayaa ahaa mid aan sinaba loo filaynin xilli aanu khilaafka aloosani dhinacna u dhicin, waxana laga filayey inuu u guntado turxaanbixinta muranka taagan iyo sidii uu qayb uga qaadan lahaa daminta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan oo haatan xawaare cusub sii gashanaya.  Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa wararka qaarkood sheegayaan inay kulamo gooni ah qaateen madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana uu ku adkaystay mawqifkiisii ahaa inaan la beddeli Karin Go’aankii ay Guurtidu muddada ugu kordhisay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.  Sidoo kale Tegitaanka Guddoomiye Saleebaan, ayaa kusoo beegmaya xilli wararku sheegayaan inay dalka kusoo fool leeyihiin Wufuud culus oo dalalka somaliland ka taageera dhinacyada Doorashooyinka iyo Dimuqraadiydda ka socda, kuwaas oo dalka u imanaya Buuqa ka dhashay cabasho mucaaridku ka sameeyeen Hirgelin la’aanta heshiis ay dhawaan xukuumaddu la gashay Axsaabta Mucaaridka ah.  Lama garanayo sababta uu saleebaan Maxamuud Aadan Xilligan dalka uga baxay, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu dalka yimi Toddobaadyo kahor muddo-kordhintii muranka dhalisay ee uu qalinka ku duugay, waxase inta badan uu safar ku tagaa Dalka Britain oo xaaladdiisa caafimaad uu talooyin kaga soo qaato.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here