Hargaysa(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka Haya ee kulmiye Mujaahid Muuse Biixi cabdi ayaa sheegay in Doorashada Cidii Dib u dhigtay Haday Noqoto Xukuumada iyo Guddoomiyaha Wadani Shacbiga lawaydiin Doono.
waxa uu sheegay in Muuse biixi in Faysal Cali waraabe iyio Cabdiraxmaan Ciro looga Baahan yahay in Ay ilaaliyaan Qaranka Somaliland Sidii Ay u ilaalin Jireen Xiligii Ay Mucaaradka Ahaa Xisbiga Kulmiye.1
Dhinaca kale waxa uu ka waramay Haday mudo kordhini Timaado oo doorasho Dhici waydo Talaabooyinka u yaala Xukuumadani waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.
“Dhibaatada Dalku wuu Soo Wada maraa aduunku 50 Sano dabadii ismuu lahayn Maraykan nin madaw ayaa madaxwayne ka noqon,waxaanan u malaynayaa 30 sano dabadeed in beesha gabooye dalkan madaxwayne ka noqon doonto,yaynaa Niyada Jabin Dhibaatada waa lasoo wada Maray,waxaana lagaga baxayaa qalbi adayg calool adayg iyo higsi fog Ayaa lagu gaadhayaa.
Intaas waxa uu ku daray Mujaahid Muuse Biixi cabdi isaga oo hadalkiisa siiwata.”Rag badan ayaa jira oo marna ka xaragooda gabooye marna damiin ka noqda cisman buure oo kaadhka dhalashada lagu siiyay Gabooye ayaanu nahay cisman buurina damiin ka noqday.
Muuse Bixii waxa uu ka waramay Waxa keenay Mudo kordhinta isaga soo qaatay xiligii ay mucaaradka Ahaayeen iyo Doorashooyinka Ay soo galeen waxaana uu yidhi.
“Hal qodob somaliland markhaati ha ka ahaato,Saddex jeer oo la kordhiyay iyo markaas xisbiga kulmiye la reebay ee lagu yidhi 82ka cod ayaad ku hadhay rag ragii dhuuxa ku xidhay ee yidhi mahadli kartaan oo qaranka somaliland Ayaa ka wayn waxa ay ahayeen labada guddoomiye ee hada mucaaradka ah cabdiraxmaan ciro iyo faysal cali waraabe,Mucaarid ayaanu wada ahayn markasta oo ay dhirbaaxo nagu dhacdo oo hadla labadooduba Garba Duub ayay nooxidhayeen.
Waxa uu sheegay.”Waa dhab qaranka ayaa la isku qabtaa qoyska ayaa la isku qabtaa,lakiin waa inaad yeelataa cid ku qabata,markaad cadhaysan tahay ee wax lagaa dhaco waa inaad Qabsoontaa,Lakiin Nasiib wanaag nimankii geedka nagu xidhay ee qaranka ayaa waxan ka wayn ee geedka nagu xidhay,Su’aal Ayaan waydiinayaa Labada Guddoomiye,Waar wixii aad shalay lahaydeen ee waad dul qaadanaysaan,qaranimadii Maanta Miyaad ilawdeen.
Dhinaca kale Muuse Bixii waxa uu bayaamiyay Haday dhacdo in Ay doorasho wakhtigeeda ku qabsoomi waydo in Qaranka oo dhami ka Tashan Doono waxaana uu yidhi.
“Maanta waxaanu leenahay haday wax khaldamaan oo ay hawli Timaado khaladka Cida Leh waa Lagar naqsan Doonaa,Doorashadan Daah-dayna Ma kulmiye ayaa reebay oo dib u dhigay iyo Dawladiisa Mise wadani iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada Bal kaayaga Eedu Raacdo Fagaare ayaa la iman Oo somaliland ayaa ka Arimine Taasi Hadan Baysee waxan ay Hada ku hadlayaan Nimankani Maanay Ahayn Cabdiraxmaan Iyo Faysal Cali waraabe waxaan leeyahay halkii taagnaada oo waji kale hayeelanin.