Guddoomiye Cirro oo Shalay Meelo Kala Duwan ku Booqday Odeyaal Reer Hargeysa Ah oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

0
33

Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka saddex odey oo u dhashay magaaladda Hargeysa ku booqday goobo kala duwan oo ay muddooyinkii danbe u jiifeen xanuuno hayey. Saddexdan oo odey oo kala ahaa Sheekh Cabdilaahi Diiriye(Sooraan), Cali Ducaale Seed (Cali Madoobe) iyo Maxamed Jaamac Carraale (Eng Caraale) oo xanuuno u kala yaala cisbitaalka Hargeysa neurology iyo xaafadahoda oo ku kala yaala degmada Axmed-Dhagax. Waxaana uu guddoomiye Cirro dhammaantoodba lllaahay uga baryey in uu caafimaad sareecan ah siiyo sida oo kalena uu cimriga u dheereeyo.  Dhanka kale, waxaa iyaguna halkaas ka hadlay sadexda odey ee uu booqday guddoomiye Cirro, iyaga oo dhammaantoodna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu guddoomiyahu u yimi.aassss ffff

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here