Guddoomiye Cirro Oo Kulmiye Iyo Xukuumaddiisa Ku Eedeeyay Weeraro Lagu Bar-Tilmaameed Saday Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

0
25

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Golaha Wakilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdirxamaan Maxamed Cabbdilahi Cirro oo maanta xilkii u kala wareejiyey Hoggaankii Hore ee ku meel Gaadhka ahaa ee Garabka Dhalinyarad xisbiga WADDANI Iyo Hoggaanka Cusub ee Garabka Dhalinyarada Xisbigaasi, ayaa si adag u canbaareeyay falalkii xalay lagu weeraray laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADDANI ,waxaanu ku eedeeyay falalkaas inay ka dambeeyeen Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE oo ay masuul ka yihiin weeraradaas . “waxay ognahay Qaran-baynu nahay Somaliland ,Xukuumaddeena ayaa ka masuul ah amniga Qaranka ee xukuumadda waxa ku waajib ah inay aminga ilaaliso oo wixii wax yeelayana ka fagooto kana taxadito kana hortagto , beridhaweyd waxa inagu noqday waxaynu maalin walba maqalno ciidamo RRU-da, ayaa guro weeraray iyo waanu garanay-nay oo wey lebisnayeen in kastoo ay wejiga duubnayeen,lakiin maal mahan waxa soo baxay qaar maryo cad-cad oo wixii KULMIYE ka baxa weeraraya,waxaynu maqalnay oo saxaafada ku qornay saaka Barkhad baa la weeraray gaadhigiisibaa la joojiyey budhadh-baa laga daalay bakooradana waa lala dhacay,waxa kale oo isna la weerar xoghayihii Dalxiiska ee Xisbiga WADDANI .

 CIRRO

Guddoomiye Cirro oo haddalkiisa sii watay ayaa yidhi”waxaan cida ka masuul ka ah aminga Qaran gaar ahaan Madaxweynaha Wasiirka Amniga iyo Taliyah Booliska ,waxaan u soo jeedinayaa in arinmahaa la baadho oo waxa kalifay iyo waxa ka masuulka ah arimaha dhacdooyinkaa la baadho,in masuuliyiinta la weeraro waxay ku keeni kartaa qaranka dhib intaa ka badan,waxay fure u noqon-doontaa dhibaatooyin badan oo wadanka ka dhaca,markaa waxaan u soo jeedinayaa in arimahaas baadhis buuxda lagu sameeyo cid ka masuulka ahna la soo qab-qabto ,haddii ay markaa dee cid ku cadaado meel laga soo diray,tuhunku hadda Xukuumadda iyo KULMIYE ayuu saaranyahay, lakiin waxba ka hor tegimaayo oo baadhista ayaan u deynayaa,lakiin waxanu diyaar u nayay xisbiga iyo tageerayaashiisu iyo shacabiga waxaan usoo jeedinayaa in amniga la ilaaliyo oo xukuumaddana lagala shaqeeyno ,lakiin haddii ay xukuumaddii dadka weerarayso oo kii ka baxa weerarayso ,waxay ila tahay taasu aa ayaan daro waxaan u soo jeedinayaa in Amniga la wada ilaaliyo xukuumaddana xil gaara ayaa ka saaran,arintaan si buuxda oo buuxda loo baadho oo aanay dibna inoogu soo noqon haddii ilaahay ka dhigo ,weynu ognahay maalin walba waxa ka dhaca hareeraheena ee Xamar ka dhaca ee meel kale ka dhaca,markaas somaliland waxay ku faanaysaa amniga ,arintaasu waa arin foolxun waa dhacdo foolxun si adag ayaanu u canbaaraynaynaa waxaan rahaynaynaa in arintaasu dibna inoogu so noqon.

Guddoomiye Cirro ayaa haddalkiisa ku soo gunaanaday “dhammaanba tageerayaasha xisbiga siday awalba samaynaayeen,arin kasta oo ay samaynayaa inay si nabad ah u sameeyaan oo amnigan ay ka qayb-qaataan ,isla maraana ay ku tageeraan cid kasta oo ka shaqaynaysa amniga ayaan ugu baaqayaa shacbiga iyo tageerayaasha xisbigaba ee insha allaahu waxa iyana inagu soo socda sida aad ka warqabtaanba shirweynihii garabka hawaanka oo isna aan raaynayo inuu si quruc badan inoogu qabsoomo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here