Burco,(Hubaal)-Arooryo hore ayuu ku kalahay xarunta maamulka Gobolka Togdheer. Da’ahaan wuxuu u muuqday nin cimrigiisu 45-sanno wax dheer yihiin. Sannadku wuxuu ahaa 2013, isla markaana gobolka Togdheer waxa Badhasaab ka ahaa waqtigaa Axmed Cumar Xamarje.
Ninkaa reer Burco wuxuu toos u abaaray halkii qasdigiisu ahaa. Wuxuu u tagay Gudoomiyihii gobolka, isla markaana wuxuu waydiiyay su’aal la yaab leh, wuxuu yidhi; “Guddoomiye caaqilka reerkayagu bishii laba jeer ayuu lacag iga qaadaa, xisaab Celina ma ogola, oo markaad tidhaahdo xisaab celintii lacagaha aad qaado ee reerka keen, gafuurkuu xagaa u taagayaa oo jawaaba ku siin maayo, waanu kaa dhaqaaqayaa. Sidaa darteed, mar hadaan xisaab celin jirin, anigu waxaan go’aansaday in aan ka bedesho reerkan aan u dhashay oo aan u bedesho reer kale. Reerkii aan u bedelan lahaana codsigii way iga aqbaleen oo waa u diyaar in aan ku biiro, hadaad doontana imikaan ku horkeenayaa, si ay kuu maqashiiyaan inay ogol yihiin inaan ka mid noqdo. Sidaa darteed waxa laygu yidhi, Badhasaabka ayaa kala wareejinta, qofka qabiil ka tagaya ee qabiil kale ku biiraya qaabilsan, sidaasaan kuugu imi, waxaanan kaa codsanayaa, inaad iga wareejiso reerka caaqilka bilaa xisaab celinta ahi horfadhiyo, iina wareejiso reerka kale ee iga aqbalay in aan ku biiro.”
Weedhahaasi waxay lama filaan ku noqdeen Badhasaabkii, oo qosol la jeestay. Hal-xidhaalahani maaha been siduu Axmed Xamarje u sheegay Wargeyska Ogaal ee waa run ku soo martay Gobolka Togdheer. Hase-yeeshee isaguna hal-xidhaalihii muwaadinka wuxuu u riixay dhinaca ku-xigeenkiisii. Hase-yeeshee may waydiinin masuuliyiintu ninkaa, reerka kale ee aad ku biirayso caaqilkoodu xisaab celin ma leeyahay?.