“Laguma kala guulaysto Dagaal, waxa aad dilaysaana waa walaalkaa if iyo aakhirana waad seegaysaa”
Hargeysa: (Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka Hadlay Dagaal laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaray Deegaanka Taleex ee Gobolka Xaysimo, waxana uu ku baaqay in la joojiyo Dagaalkaas sida ugu dhakhsaha badan.
Guddoomiye Baashe oo Maanta saxaafadda Arrintan kala hadlay, ayaa ku dheeraaday Macno-darrada dagaalka noocan oo kale ah ku jirta, waxana uu dhinacyada dagaallamaya usoo jeediyey inay joojiyaan Xabadda ay isku ridayaan,“waa dad walaalo ah, dagaalkuna waxba ma taro, dagaalka Soomaaliduna waa dhibaato iska socoto uun, waana inay ka waantoobaan oo caqligu shaqeeyo oo xabadda ay joojiyaan, isla-markaana ay maqlaan dadka ergeda ah ee jooga Taleex,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.
Baashe Maxamed Faarax oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu xasuusiyey dhinacyada dagaallamaya dhibka dagaalka ku jirta iyo faa’iido darradiisa, isagoo sidoo kalena soo jeediyey in si islaamnimo ah loo kala dhexgalo, waxana uu yidhi,
“Laguma kala guulaysto Dagaal, waxa aad dilaysaana waa walaalkaa if iyo aakhirana waad seegaysaa, waxad dilaysaa waa ninkii garabkaaga ahaa ee Reerka kula oodi lahaa ee kuu ciidamin lahaa, waxana aanu soo jeedinaynaa in si islaamnimo ah loo dhexgalo iyaguna ay dagaalka si dhakhso ah ujoojiyaan.”
Hadalka Guddoomiye Baashe, ayaa ka dambeeyey Dagaal laba beelood oo walaalo ah shalay ku dhex Maray deegaanka Taleex, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan Shan qof oo labada dhinac kasoo kala jeedaa,