Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Buuhoodle Oo Cambaareeyey Isku Dhac Dhex maray Ciidanka Qaranka iyo Dadweynaha Deegaanka Horfadhi

0
51

Hargeysa(Hubaal)-Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Buuhoodle Mr.Fuaad Maxamed Mixile ayaa Si kulul u cambaareeyey hawl-gal ayaa ciidanka Qaranku ka fuliyeen Gobolkaasi oo isku dhac Ciidanka iyo Dadeynaha Deegaanka ku dhex maray Deegaanka Hor-fadhi maalintii shalay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Buuhoodle Mr.Fuaad Maxamed Mixile oo khadka teleefanka kula soo xidhiidhay Xafiiska Wararka ee Shabakada Qarninews ayaa waxa uu si weyn u cambaareeyey falkaasi sabay in Ciidanka Qaranka iyo Dadweynaha Deegaanka Horfadhi ee Gobolka Buuhoodle iskaga hor yimaadeen maalintii shalay isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”waxaan halkan ka cambaareynaa fal aad u foolxun oo maanta ka dhacay deegaanka Horfadhi ee Gobolka Buuhoodle kaasi oo ku dhex maray Dadweynaha Deegaankaas iyo Ciidamada Qaranka Somaliland kaasi oo ay sababtay markii ciidanka qaranku ku ruqaansadeenn Deegaankaas iiyadoo aan lasii samayn wax wacyigalin ah maadaama oo ay inta badan dadweynaha Deegaankaasi ay faham qaldan ka qabaan Ciidanka Qaranka taasi oo ah arin u baahan in laga wacyigaliyo “

 sarkaalka buuhoodle u jooga wadani

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Buuhoodle Mr.Fuaad Maxamed Mixile waxa uu Xukuumada Siilaanyo ku cambaareeyey inay doonayso inay Qori Caaradii iyo Awood Ciidan ku qabsato Dadweynaha Deeganka Buuhoodle isagoo isla markaasi xusay in aanay samayn wax wacyigalin Bulsho ah oo ay Shacbiga reer Buuhoodle ku kasbanayso balse ay caan ku tahay Xukuumadani sidii ay usii fogayn lahayd Bulshaweynta reer Buuhoodle iyadoo marar badan u adeegsatay Awooda Ciidanka Qaranka ee loogu talo-galay Caabinta Cadwga Somaliland

Gaba-gabadiina waxa uu ugu baaqay Xukuumada Talada haysa inay ka waantowdo Awooda Ciidan iyo xooga ay u isticmaalayso Dadweynaha Deegaanka Buuhoodle

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here