Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray masuuliyiinta Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cabdirashiid Xasan Mataan

0
30

Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka iyo qaraabada, gaar ahaan Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan geerida Marxuum Cige Axmed Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta (01/03/2015).

Muuse BiixiWaxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteena uu samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.

ALLAH                 MAHAD             LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here