Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyay Heshiiska Ay Gaadheen Madaxweyne Geele Iyo Mucaaridka Dalkaas

0
33

 Ujeeddo; Hambalyo Gudoomiye

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxda Mucaaridka Jabuuti, iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyaynaya Heshiiska ay gaadheen maxawaynaha Jabuuti iyo mucaaradka wadankaasi.

Muuse BiixiGudoomiyuhu wuxuu heshiiskaa u arkaa mid wax-tar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.

Gabagabadii wuxuu Salaan iyo Hambalyo udirayaa Madaxwaynaha Jabuuti iyo shacabkiisa Curashada sanadka cusub ee miiladiga, isagoo u rajaynaya in sanadkan kiisa ku gaadhan Nabad iyo Horumar.

.

HAMBALYO  HAMBALYO  HAMBALYO

ALLAH                 MAHAD             LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here