Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dowladda Jabuuti Iyo Shacabkeeda Ka Tacsiyadeeyay Geerida Guddoomiyahii Baarlamaanka Marxuum Idirsi Arnoud
Ujeeddo; Tacsi Gudoomiye
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawlada Djabouti iyo shacbigeeda gaar ahaana Baarlamaanka dalka Djabouti iyo Madaxwaynaha dalka Djabouti Md, Ismaaciil Cumar Geele, isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi gudoomiyihii Baarlamaanka Djabouti marxuum Idiris Arnoud Ali.
Wuxuu Alle uga baryayaa inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi