Muddeynta Dacwaddan Oo Ku Soo Beegmaysa Xilli Damaannad Lagu Sii Daayay Guddoomiyihii Wargeyska Foore
Hargeysa (Hubaal)- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay oo Sabti ahayd Muddaysay Dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay.
Qoraal shalay ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Mudane Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil laguna socodsiiyey Taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka Damiintay Guddoomiyaha FOORE, ayay maxkamaddu ku muddaysay Maalinimada Isniinta ee Bishan June tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka Dambi baadhista Somaliland gaar ahaan qaybta lagu xidho maxaabiista argagixisada ku eedaysan, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee Madaxtooyada ugu jira heshiiska wareejinta Dekedda Berbera.