Guddoomiyaha Gobolka M/Jeex Ee WADDANI Oo Shir Dar-Dargalin Hawlaha Xisbiga Ah La Yeeshay Masuuliyiinta Degmooyinka M/Haybe Iyo Max’ed Mooge Ee Hargeysa

0
27

Hargeysa [Hubaal]- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Md Siciid Bustaalle, ayaa Shir lagu Dar-dar-galinayo Hawlaha Xisbiga La Yeeshay Masuuliyiinta Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.

Shirkan oo saaka ka qabsoomay xarunta xisbigu ku leeyahay gobolka Maroodi-jeex, isla markaanaay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta kala duwan ee heer degmo ee labadaas degmo. kuwaasoo Guddoomiyuhuna faray sidii loo dhisi lahaa hogaanka labadaas degmo, isla markaana loo dardar-galin lahaa hada wixii ka dambeeya hawlaha xisbiga.

waddaniShirkan waxa ku wahelinayey Guddoomiye Siciid, ku xigeenadiisa,xoghayaha gobolka Mahad Xaaji Faarax, iyo Guddoomiyaha garabka ee haweenka ee xisbiga WADDANI Marwo hinda Xasan Idiris iyo waliba masuuliyiin kale oo badan. Kuwaasoo iyaguna dhankooda dardaaran la mid ah kan Guddoomiyaha oo kale u jeediyey.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha labadda degmo oo iyaguna dhankooda ka hadlay shirka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin dardargalinta iyo dhismaha labadan degmo ee Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe. Iyagoo xusay inay labadan degmo ka mid yihiindegmooyinka uu xisbiga WADDANI taageerayaasha ugu ballaadhan ku leeyahay, isla markaana dhowaan laga arki doono isbadalo xaga shaqadda ah oo ka bilaabmata degmooyinkan.

Guddoomiye Bustaalle iyo masuuliyiintiisa kale ee garbihiisa ah, ayaa tan iyo intii loo soo magacaabay guddoonka Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI ku hawlanaa sidii loo dardargalin lahaa hawlaha xisbiga iyo dhisitaanka masuuliyiinta kala duwan ee degmooyinka hoos yimaada gobolkan uu masuulka ka yahay. Waxaana la filayaa inay masuuliyiinta Gobolka Maroodi-jeex ee xisbigu oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Bustaalle inay shirar noocan oo kale ah la yeeshaan degmooyinka kale ee magaaladda Hargeysa ka kooban tahay ka mid yihiin Gacan-LibaxMacalin Haaruun, Axmed Dhegax, 31-ka May, Ibraahim Kood-buur iyo 26-ka Juun.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here