Hargeysa, (Hubaal)-Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay in shalay Madaxweyne Siilaanyo u direen warqad ay ku qoreen mudada ay bilaabayaan diiwaangelinta codbixinta doorashadda, oo ay kaga codsanayaan inuu meelmariyo mudadaasi ay qabsadeen.
Gudiga oo qoondeeyay xiliga ay bilaabayaan diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka 21 julay 2015 oo ah dhamaadka bisha ramadaan, sidaa aanu ku helayo xogo u dhuundaloola gudiga doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in warqadan ay u direen Madaxweynaha, ujeedadeedu tahay meel marinta mudadan ay qabsadeen oo ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu digreeto ku dhaqangaliyo.
Xoguhu waxay intaa raaciyeen inuu madaxweynuhu ku dhaqan galiyo dalabka kaga yimi Guddiga doorashooyinka 15 cisho gudahood.
Ma jiraan warar intaa dheer oo ka soo baxay labada dhinac, balse dalabka gudiga doorashooyinku ku dalbadeen in la meelmariyo mudada, ayaa noqonaysa mid u eeg muddo kordhin, marka loo eego mudadii ay komishanku hore u soo bandhigeen ee ahayd in ay dib u dhac ku imanayso xilligii doorashadda.