Guddida Qaban-Qaabadda Shirweynaha Xisbiga UCID Ee Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo La Magacaabay

0
43

Hargeysa (Hubaal) Gudoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbi ga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku shaaciyey Shantii Xubnood ee garabkiisa u metelaayey Guddida qaban-qaabadda Shirweynaha Xisbiga Ucid oo dhowaan dhici doonaa. waxaanu War-saxaafadkaasi u dhignaa sidan:Jamaal

“WARSIXAAFADEED; UCID Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأة 27/0716

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen

Og Musharaxa Jagada Madaxwaynaha

Jamaal Cali Xuseen

Og Gudida Diiwaangelinta Ururada/K.S Xisbiyada

Sumad: Gx-3/04/16

Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha

Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012

Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012

Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka

Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga

Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN

Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye

Xuseen Caynaan Faarax

Xuseen Xasan Badmaax

Aadan Cali Yoonis

Cali Maxamed Xasan

Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16. “

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here