Hargeysa(Hubaal)-Guddida Ilaalinta Diwaan-gelinta Ururrada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka, ayaa go’aan ka soo saaray dacwad ay hore ugu gudbiyeen siyaasiyiin kamid ahaa xisbiga WADDANI oo xilalkii iyo xubinimadiiba lagala noqday.
Siyaasiyiinta oo uu hogaaminayey Xoghayihii guud ee xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, ayaa Guddida Ansixinta Asxaabtu go’aamiyeen inay ka sii mid noqonayaan xisbiga ilaa Shirweynaha xisbiga lagaga qaadayo xilalka.
Go’aanka Guddida oo soo baxay 15 Bishan oo ku beegnayd Arbacadii, ayaa shalay si hoose loogu soo gudbiyey Warbaahinta, waxaana soo dhaweeyey mid kamida qareennadii u dooddayey xubnaha Xisbiga laga eryey ee dacwooday.
Guddida qaraarka soo saartay, waxay xisbiga WADDANI u jeediyeen in muddo 3 bilood gudahooda uu ku qabsado Shirka golaha dhexe si xil ka qaadista masuuliyiinta iyo xubnaha la socda loo sharciyeeyo, laakiinse inta wakhtigaas ka horaysa Xoghayaha Sharciga ah ee Xisbigaas waa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, sida go’aanka lagu sheegay.
Xisbiga WADDANI wali wax jawaab ah kama bixin qaraarka ka soo baxay Guddida Diwaan-gelinta Ururrada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka.
hase ahaatee, Guddida fulinta ee xisbiga WADDANI, ayaa horaantii sanadkan kulan ay yeesheen xilalka iyo xubnimadaba kaga qaaday xubno tiro badan oo uu kamid yahay Xoghaye Uur-cade.