“Waxaan Bulshada U Cadaynayaa In Aanay Marnaba Iga Suurta Galin In Aan Ku Lug Yeesho Laaluush Oo Aan Waydiisto Masuul Qaran“
Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Guddida Dabogalka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa ka hadlay eedo musuq maasuq oo lagu xidhiidhiyey in uu ku lug leeyahay fadeexad laaluush oo dhex martay isaga iyo golaha deegaanka Berbera. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo warsaxaafadeed uu shalay u qaybiyey warbaahinta kaga hadlay arrintan ayaa sheegay in aanay suurto gal ka noqonayn isaga in uu laaluush waydiisto masuul kale oo qaranka u adeegayada. Warsaxaafadeedka Uu Soo Saarayna waxa uu u dhignaa sidan:
Taariikh: 16/08/2015
Ku: Saxaafada Madaxa Banaan iyo Ta Dawliga ahba
Ujeedo: Beenin warar Been abuur ah (War Saxafadeed )
Anigoo ah Xildhibaan Mohamed Ali Hersi ahna gudoomiyaha gudidda ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada JSL waxaan halkan ka cadaynayaa si adagna u beeninayaa warar maalmahan ku soo baxay qaar ka mida saxaafada somaliland. Waxaan bulshada u Cadaynayaa in aanay Marnaba iga suurta galin in aan ku lug yeesho laaluush oo aan waydiisto masuul qaran haday tahay mid degmo, Gobol iyo mid Hay’adeedba. Mana jirto LAALUUSH iga soo gaadhay iyo sabab aan uga qaatoba Duqa ay saxaafadu xustay. Waxay soomaliladu ku maahmaahdaa qudhaanjoy ku quuso oo aan uga jeedo in duqa berbera isaga laftigiisu cadeeyey in aanay marnaba na dhex marin wax u muuqda laalush iyo wax isdaba marin. Waxaan saxaafada madaxbanaan oo aan ixtiraam badan u hayo u soo jeedinayaa in marka ay ku dhexjiraan baadhitaano wareed siiba musuq-maasaqa ay hubsiimo ku daraan oo ay iska ilaaliyaan Wararka aan la hubin ee ah “ waxaa lasheegaayey”. Arintan wuxuun baan u arkaa inay alifeen dad siyaasad ku lug leh oo ay damaqday ilaalinta iyo dabagalka aanu hantida qaranka ku hayno, waxaanan u sheegaynaa inaanay waxba u dhimi doonin shaqada aan qaranka u hayo. Mar labaaadna waxaan si adag Bulshada ugu cadaynayaa in aan ahay mudane ku astaysan in aan ladagaalamo Musuqmaasaqa iyo Laaluushka igamana suurowdo inaan shaadhkayga cad wasakh Mariyo.
Alla Mahad leh
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi
Gudoomiyaha Gudidda Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiilada