Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa soo saaray dabayaaqada sanadkii 2014-kii wareegto ku saabsan qiimaha lacagta lagu kala qaato Magta iyo meherka dumarka, kuwaasoo cabashooyin badan ay dadweynuhu ka muujiyeen kadib markii sicirka Suuqa ee Geella lagu kala Iibsado iyo ta Maxkamadduhu ay aad u kala bateen.
Wareegtada Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland uu soo saaray oo ku taariikhaysnayd 29/10/2014-kii waxa ay u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Wareegto ku saabsan qiimaha lacagta lagu qaadanayo Magta iyo meherka Dumarka
Guddoomiyaa guddida cadaaladdu markuu arkay: go’aanka guddida cadaaladda ee fadhiga 7 aad eek u taariikhaysan 12/06/2014, kuna saabsan qiimaha lagu qaadanayo Qudh-gooyada Badheedhka ah (Dilka), meherka Dumarka iyo wixii ka soo hadhay magta.
Markuu arkay: in qiimaha xoolaha nooli aad sare ugu kacay intii ka danbaysay dikreetadii hore ee sumadeedu tahay MS/GMS/G-7/312/2005, EE 13/2/2005.
Markuu Arkay: Shareecada Islaamka mad-habka Imaam shaafici- kitaabka Minhaajka baabka diyada.
Markuu Arkay: Dastuurka JSL, Qodobada 97,98 ee Dastuurka.
Markuu Arkay: Xeerka madaniga qodobada 160, 161 ee ka hadlaya mag-dhawga madaniga.
Markuu Arkay: baahida loo qabo in digreeto lagu soo saaro qiimaha geela Magaha iyo Qoomaha .
Asbaabtaasi dartood Guddoomiyuhu wuxuu soo saaray wareegtadan.
Waxaa lagu kala qaadanayaa Magta Qomaha ama Nabadarada 1500,000 Shilling Somaliland ah hashiiba.
Dhaqan galka wareegtadan waxa uu saameynayaa wixii aan la kala qaadan dhamaan ama aan qayb ka mid ah la kala qaadan ama fulintiisa aan Maxkamaduhu guda galin, ama aanay dhunacyaddu la iman heshiis ay ku kala qaadanayaan qiimaha Geela.