GUDDAHA KA AKHRI: Gaadiid Ku Xayirmay Gaadhi Jaad Siday Oo Dooxa Dacar-budhuc Qaaday

0
57

Hargeysa (Hubaal) Daadad xoog badan oo ka soo rogmaday dooxa Dacar-budhuq ayaa qaaday gaadhi weyn oo siday jaad oo ahaa nooca loo yaqaano shaamboo.
dooxa dacarbudhuqGaadhigan daadku qaaday oo ku sii socday magaalada Berbera ayaa waxa uu siday jaad la yidhaa LUUDKA, gaadhigan daadku qaaday iyo jaadka saaranba waxa lahaa ganacsade Mawliid Saleebaan.
Wararka aanu ka helayno magaalada Dacar-budhuq ayaa sheegaya in dadweynihii saarnaa gaadhigaasi iyo jaadkiiba inla badbaadiyey oo dhamaantood laga soo reebay daadkii, balse waxaan ilaa haatan xal loo helin gaadhigii, kaasoo u muuqda in daadku sidaasi uu kula tago.
Dhinaca kale gaadiid tiro badan oo isugu jira inta badan noocyada dalka somaliland laga isticmaalo ayaa saacado badan ku xayiran baalaha dooxa weyn ee Dacar- budhuq.
Dadweynaha gaadiidkaasi saaran ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatada soo noqnoqonaysa ee had iyo jeer ka dhalata dooxooyinka ee ay sababaan daadadka oo halis galiya dadka iyo gaadiidka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here