GUDDAHA KA AKHRI: Dhalinyarada Boolisku toogtaan oo Gar iyo Mag la’aan lagaga heshiiyey Somaliland

0
32

Dawladda iyo Cuqaasha oo ku dhawaaqay Heshiis aanay ka baaraan-degin halistiisa

Hargeysa(Hubaal)-Laamaha amaanka Dawladda, Cuqaasha, Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa shalay  kulan ay ku yeesheen Xafiiska Badhasaabka Gobolka  Hargeysa ka soo saaray qaraarro kale oo qayb ka ah wax ka qabashada falalka amni-darada ah ee ku soo batay Caasimada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Booliska,Arrimaha gudaha,madaxda heer gobol iyo Cuqaasha, ayaa qodobada laga soo saaray waxa ka mid ah inaan mag-dhow laga bixin Dhalin-yarada ku dhimata ama waxyeellada kale ka soo gaadho hawl-galada Boolisku ku qabqabanayo Kooxaha Budhcad-magaaleed noqday ee ay bulshadu khaatiga ka joogto.

cuqashaXubno ka mid ah Cuqaasha Gobolka oo kulanka hadalo ka jeediyay ayaa isku waafaqay sida loogu baahan yahay in wax laga qabto dhalinyarada amniga khal-khalinaya“Annigu waxaan taaganahay, Cuqaashana aan leeyahay ha igu taageerto in  kii ku dhinta hawlgalka Booliska aynaan mag ka qaadan… Meel xun bay caruurteenii maraysaa, amaankeena iyo wadankeena yaanay inaga khalkhaline waxan leeyahay mag ma laha ka hawlgalka lagu dilaa” ayey shirka ka yidhaahdeen xubno ka mid ah Cuqaashu.

Caaqil Halac Colaad oo kulanka ka hadlay ayaa isna soo jeediyay in dhalinyarada arrimaha ka dhanka ah amaanka lagu soo xidho xabsiga loo dheereeyo “Waxaan leeyahay Kuwa aan la dilin ee la xidho, Xabsiga ha loo dheereeyo, waliba Gobolka uu u dhashay inta laga qaado Gobol kale halagu xidho” ayuu yidhi Caaqil Halac.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Mudane Jeeniyare ayaa isna halkaasi ka sheegay inaanay u dulqaadanayn dhibaataynta amaanka “Annagu Gobol ahaan u dulqaadan mayno in aayar oo dhalatay magaalada fawdo laga sameeyo, oo dadweynaha kala duwan dhibaato loo gaysto, oo magaalada la kala xidho, oo la yidhaahdo Daacish bay la baxeen,waxaasi suuroobi mayso.Dawlad baanu nahay,annaga iyo Innamadu waanu kala adkaanaynaa cuqaaleey” ayuu yidhi Badhasaab Jeeniyare.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa Cuqaasha ku bogaadiyay go’aamada lagu sugayo amaanka “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa inaad nala qaadateen inaad amaanka nala sugtaan iyo go’aanka aad ka qaadateen Ninka Dambiilaha ah inaydaan noogu iman oo haddii uu Nabadgalyada soo weeraro inaanu dilno oo aad nala qaadateen”.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha Cismaan garaad Soofe oo gabogabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in go’aamadan degdeg loogu dhaqmi doono islamarkaana la dar-dar galin doono sugida amaanka Magaalooyinka.

Xukuumadda oo hogaaminaysa laamaha nabad-gelyada, ayaa hore ugu dhawaaqday inay ciqaab adag mutaysan doonaan Dadka lagu qab-qabto falalka tuugada iyo rabshadaha isugu jira, siiba dhalinyarada baxdoobay iyo Waalidiintoodu, kuwaasoo xabsi dheer iyo ganaax lagu ciqaabi doono.

Go’aamada hore ee dawladda uga soo saartay arrimaha nabad-gelyo xumada, ayaa  dadweynuhu si weyn u soo dhaweeyay, hase-ahaatee qaraarkan cusub ee ka dambeeyey kaas hore, ayaa u muuqda mid xaasaasiyad badan abuuraya, isla markaana ciidanka booliska oo aan lahayn tababar fiican, hadana  awood u siinaya inay toogasho badheedh ah sameeyaan, taasoo ay ugu gaban karaan howl-galada ama in naftooda la soo weeraray.

Inkasta oo ay Hay’addaha Sharciga u taallo sida lagu xakamayn karo dhaqan-galka he

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here