Maanta 17ka oktobar sanad walba waxa aynu xusnaa mujaahidiintii dhiigooda u huray xoriyadan iyo raaxadan aynu maanta hadhsano ee Somaliland.
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabsho intii u soo dhimatay, inta noolna Ilaahay ha ka jazaai siiyo, abaal weyn bay inaga leeyihiin, in aynu xasuusano oo xusnana waa waajib.
Waa hubaal makhraati ma doonta ah oo aan cidna mugdi iyo shaki toona kaga jirin in ragaa iyo dumarkaa u dhintayba qori caaraddii ku xoreeyeen Somaliland oo kaga saareen taliskii berigaa jiray ee Ssiyaad Barre madaxda ka ahaa.
Waxase is waydiin mudan, Somaliland jiritaankeeda ma halgankii SNM oo kaliya uun buu ku yimid, mise halgano kale ayaa jiray?.
Taariikhdu aad bay muhiim ugu tahay qofka bi’ni aadamka ah in uu
ogaado oo wax ka barto, si uu wixii fiicana uugala baxo, waxa xuna iskaga awdo oo uga foojignaado.
Waxaan haddaba doonayaa in aan maanta fursadan xuska mujaahidiintii u soo geeriyooday dhulkan, ee dhiigooda u soo huray raaxadan aynu maanta ku naawilayno, uga faa’iidaysto in aan da’yarta reer Somaliland wax uga sheego si kooban taariikhaha Somaliland iyo siday Somaliland ku timid.
Qaybta Halganka iyo SNM waxaan u dhaafayaa mujaahiidiin iyo hogaamiyayaashii halganka oo rag badan ka nool yihiin oo taariikhdaa maanta aad uga faalooday, balse waxan ku dari lahaa taariikhdii halganka ka dambaysay oo kooban iyo siday u unkunantay Somaliland.
Somaliland degaan ahaan wuxu ilaahay ku beeray beelo kala duwan oo sedexda ugu tiro rooni kala yihiin: Isaaq, Samaroon iyo Harti oo kala degan galbeedka, bartamaha iyo bariga Somaliland.
SNM oo u badnayd beesha dhexe waxay ka guulaystay rajiimkii Siyaad Barre. Beesha galbeedka iyo beelaha bariga Somalilandna waxay xulafo dhow la ahaayeen taliskaa Siyaad Barre.
Sannadkii 1990-kii ayaa Hogaankii SNM shirar is daba joog oo ay la yeesheen odayadii beelaha galbeedka iyo barigaba ka dib isla qaateen in wixii hore daadku qaado oo nabad iyo walaaltinimo lagu wada noolaado Somaliland.
Bilowgii 1991 ayay 31 oday oo ahaa odayadii ugu magaca weynaa beesha galbeedka Somaliland magaalada Berbera u tageen si ay ula kulmaan odayadii dhigooda ee beesha dhexe. Odayada iyo waftiga boorame ka yimid waxa ku lamaanaa oo la socday ciidan iyo tekniko xoog ah oo ilaalo u ahayd ilaa boorama. Markay berbera soo galeenba waxa nasiib darro xabad uu ku dilay wiil dhalin yaro ahaa oo reer berbera ahaa nin oday ahaa oo ka mid ahaa raggii ugu sharafta iyo magac weynaa ee eragadii nabada ee odayadii reer boorama. Halkii, maydka dushiisii bay odayadii reer boorame ku tashadeen, , isna waydiiyeen ”maxaynu yeelnaa, ma dagaalanaa oo wax ma iska celinaa, mayska noqonaa, maxaynu yeelnaa????….. Waxay isla garteen oo isla qaateen in odaygaa magaca weyn lahaana iska aastaan, marxuumkuna noqdo mujaahidkii ugu horeeyay ee u dhinta aasaaska Somalilanda la wada leeyahay.Taariikhda dib u soo celinta wadankii Somaliland la odhan jirayna ay kow iyagu ka noqdaan.
Sidii bay odaydii yeeleen , kuna joogeen berbera, suurta galna ka dhigeen in uu qabsoomo shirkii koowaad ee beelaha Somaliland berbera ku heshiiyeen, kii xigayna sheekh ku qabsoomo. kii xigay ee burcona, ee may 18 keedii wada jir beeluhu ugu dhawaaqeen gooni isku taaga somaliland.
Shirarkiina sidii iskaga daba xigaan, looguna balamo magaalada Borama iyo shirkii axdi qarameedka Somaliland ee 1993 kii ee SNM na xilka ku wareejisay. Gogoshana ay odayadii beesha galbeedka ee ilaa 1991 ku soo jiray ku fidiyeen.Boramana la iskugu tagay 1993.
Halkaasi, shirkii Boorame oo ay fadhiyeen dhamaan odayadii beelaha daga Somaliland ,kuna shirayeen shan bilood iyo 23 habeen, iskulana qaateen in Mohamed Haji Ibrahim Cigaal iyo Cabdiraxmaan aw Cali in loo garto hogaanka Somaliland afarta sanno ee xiga ilaa 2007 da.
Ina Cigaal markii uu borama yimidba wuxuu dalbaday in uu horta kow la kulmo odayadii ugu magaca weynaa Samaroon ee markaa noolaa, Ilaahay ha u wada naxariistii oo ay kow ka ahaayeen Sheek Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, Sheekh Muuse Goodaad, Xaaji Abiibakar, iyo Sheekh Cabdillahi Sheekh Cali Jowhar, warsadayna waxay Somaliland ka damacsanyihiin, jawaabtii uu odayadaa ka helayna waa tii kow ka ahayd in uu ku dhiirado in dib loo arko Somaliland oo mar kale wadan xor ah.
Nasiib darro labo sano ka dib waa tii beesha dhexe is dishay dhexdeeda ee dagaalkii sokeeye qarxeen. Waxa xusid mudan in odayadii beesha galbeedku iyagoon u kala hadhin gurmad badbaado ah oo ergooyin ah ugu baxaan kala qaboojinta dagaalkaa Isaaq dhexdiisa.
Waxa xusid mudan kelmed uu Sheekh Cabdillahi Sheekh Cali Jowhar ka yidhi shirkii nabadayta beesha dhexe ee sheekh 1996 kii, taasoo oo ugu caqli celiyay kuna tusaalaynayay ergooyinkii shirka joogay e eka socday beesha dhexe, oo uu ku yidhi ” May ahayn maanta in Isaaqoow aanu anagoo beesha galbeed ahi idiin soo gurmano oo idin kala ergayno. ee waxay ahayd in idinku anaga nala dagaalantaan oo nalaga kiin ergeeyo, waad soo dagaalanteen oo nabad noogu yeedheen oo hadana idinku is disheen dhexdiina nasiib daro, maantana idinkama tagayno ilaa aad halkan isku dhaarsataan oo heshiisaan oo Somaliland baa sidaa ku dhismaysa.”.
Aakhirkii 1997 waa tii shirkii hargeysa ku qabsoomay, ina cigaalna dib loogu doortay, ilaa uu ka geeriyooday oo Ina riyaale ku bedelay ilaa maanta.
Waxaan u soo koobay taariikhdan, ujeedada aan uga socday oo ahayd in aan tilmaamo in gooni isku taaga wadankan Somaliland la wada leeyahay, oo ay ahayd go’aan ay wada qaateen dhamaan odayada beelaha dega Somaliland, balse beesha galbeedku door aad u weyn oo muhiima ku lahayd.
Bin’i aadmiga qof kasta Ilaahay sharaf iyo cisi buu siiyay, qof kastana qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira, qofkastaana wuu mudan yahay in loo nisbeeyo wanaaga uu aduunyadan ku mutaystay.
Balse waxa daran, marka uu qofku hibo iyo wanaag uu leeyahay uu baanan waayo, ee uu ka sugo in qof kale u sheego. Ogobeey dadkana mar kasta tartan iyo challenge baa ka dhaxeeyee. Halkaas oo uu ka bilaambo is fahmi waa xun oo sababa in uu qofna yidhaa wuu i hagranayaa, qofka kalana kaba riixdo oo yidhaa muu isba sheegto oo hadlado.
Sanadkan badhtamihiisii ayaa aniga iyo prof Ahmed Maygaag Ismail oo xididna ah safar shaqo ugu kulanay magaalada Helsinki ee Finland, sheeko iyo dood dheer ka dib waxa uu iigu garaabay in aanay beeshiisu ugu baanan taariikhdii ay ku lahayd dib u yagleelidii Somaliland sida ay beelaha dhexe ugu baanaan halgankii dib u xoraynta iyo dhismaha Somaliland. Waxaan profesorka weydiiyay” Ma anagaa hadaba u dooda oo sheegna taariikhdiina? Maxaa jira ee aad taariikhda fiican ee aad Somaliland ku leedihiin u sheegan laadihiin? Ma weydaan rabin? Ma taayadaa tiina ka fiican? Anagu xataa waanu buunbuuninaa taariikhyada oo waanu ku sheekaysaynaa, dadka kalana waanu ugu baanaa.
Wuxu profesor Ahmed ii qiray in ay tahay in beelaha galbeedku ayna ahayn in ay sugaan in cidi u sheegto taariikhdooda balse dhaqan ahaan lagu kala duwan yahay oo
”Samaroon waxba bilaabin, balse ay wax hagaajiso,
Isaaqna wax bilaabo, balse waxba hagaajin…. ”
Wa bilaahi towfiiq.
Faaladana adigaa iska leh
Qalinkii Maxamed Yusuf Bidhiidh.
Ref: Boobe yusuf ducaale, Xaaji Cabdi Hussein.