Goleyaasha Wakiillada Iyo Guurtida Oo Fadhi Wadajir Ah Maanta Ku Aqbalay Xil Ka-Qaatista Guddoomiyihii Maxkamadda Sarre Ee Somaliland

0
39

Hargeysa(Hubaal)-Mudaneyaasha Labada Aqal Baarlamaan ee Somaliland oo fadhi wada jir ah maanta yeeshay ayaa Ogolaaday Xilka qaadistii Madaxweyne ku sameeyay Gudoomiyihii Maxakamadda Sare ee Somaliland.

Fadhiga Guurtida iyo wakiiladu wada jir u yeesheen ayaa cod loogu qaaday ansixinta Xilka qaadista Gudoomiyihii Maxakamadda waxaana Ogolaaday in xilka laga qaado 80 Mudane, waxaa diiday 32 Mudane, halka 12 ka aamustay, waxaana sidaasi ku meel maray xilka qaadistiisa.

Guddoomiyaha-maxkamadda-sare

Fadhiga Golaha ayaa ku yimid Codsi ku saabsan ansixinta Xilka qaadista Yuusuf Ismaaciil Cali, oo Madaxweyne Siilaanyo u diray Golaha todobaadkii hore, iyadoo goluhuna aqbalay islamarkaana uu maanta u fadhiistay.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa 19-kii bishan xilka ka qaaday Gudoomiyihii Maxakamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaanu xilka qaadista Gudoomiyaha u cuskaday isbedel lagu samaynayo Garsoorka iyo in guddida caddaaladdu la shaqayn kari wayday Gudoomiyaha Maxakamadda Sare.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here