G/Kuxigeenka Ururka Dhalinyarada Jiidali Oo Xukuumada Uga Digay Muddo Kordhinta Faakidaysiga Ah, Bulshadana Ugu Baaqay Inay Si Adag Uga Hortagaan, Magacaabayna Gididii Qabanqaabada Shirwaynaha Sheekh.

0
26

xamse jiidaliAniga oo kuhadlaya Afka gudoomiyaha iyo dhamaan xubnaha ururka jiidali, waxaanu Umada reer s/land, inta rajada kaqabta  iyo xisbiyada mucaaridka ku baraarujinaynaa muddo kordhinta faakidaysaga iyo qayrul sharciga ah ee aan meelna kaga xusnayn dastuurka jamhuuriyada s/land, mudadaana looguna talo galay in dalka khayraadkiisa lagalalafo, rajdiisana la baabiiyo. Iyada oo aanay wanaagsanayn marxalada uumaanta dalku maraayo, liidatana xaaladiisu taas oo aanay mudadii ladoortay dhamaanin, koonfurna ay waliba u hanqaltaagayaan. Waxaana tusaale inooogu filan xafiiska hargaysa looga furayo   Nicholas Kay oo aynu wada ognahay shaqada uu qabto inay tahay federalism dawlada manta joogtaana ma jarikarto masayrka shacabka reer s/land.

Dhinaca kalena waxa aan shacabka reer s/land ubayaaminayaa in wadahadalada s/lanad iyo soomaaliya ee ay wado Djibouti ayna xaqsoor dhaba ka ahayn ee ay dhinac tahay iyada oo danaheeda siyaasadeed wata, doonaysana inuu dhaqaalaha koonfurtu kobco, halka ka s/landna la doonayo in hoosloo dhigo si dadka reer s/land udaneeyaan koonfurta, dawladeenuna way kal shaqaynaysaa, waxaana inoo cadaynaaya sixirbararka manta jira, maceeshada kacday, cashuurta la kordhiyay, qandaraasyada kootada lagu xidhay iyo dhalinyaradii oo xeerar aaan baarlamaan ansixin ladoonayo in lagu dhaqo, xeerarkaas oo laga ansixiyay oday dhaqameedyo dawlada shaqaale u ah. Looguna talo galay in dhaliyarada iyo shacabka la kiciyo si ay uhirgalaan waxyaabahaa aan korkusoo sheegnay ugana faa’iidaystaan kacdoonka iyo niyad jabka dhalinyaraa iyo shacabka.

Hadaba waxa aanu warsaxafadeedkan kusoo saaraynaa gudidii qabanqaabada shirwaynahii aanu sheekh kaga dhawaaqnay maalmihii inasoo dhaafay, shirkaasi oonu kaga tashanayno arimo noogaar ah. Sida arimaha buldhada, siyaasada, iyo dhaqaalaha jiidali. Magacyada gididuna waa ku wan hoos ku qoran

  • Bashiir cumar cilmi 6)  Ibraahim axmad
  • Yaxye shal axmad 7)  c/risaaq axmad cali
  • Aadan cali saalax    8) xasan ibraahim cilmi
  • Mustafe kafaare 9) maxamad cabdi diiriye
  • Faysal x- c/laahi nuur

ALLAA                                   MAHAD                        LEH

G/Kuxigeenka Ururka Jiidali

Mudane: Xamse Xassan C/raxmaan: —————————

Email: xamse_xxc@hotmail.co.uk      Phone: 0634488784

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here