Widh widh(Hubaal) deegaanka Widh widh waxa ka socda dhaqdhaqaaq aan la garanayn ujeedadiisa oo uu ka wado garaad Abshir Saalax Maxamed iyo koox la sheegay inay ka mid yihiin khaatumo, kuwaas oo dhuumasho ku soo galay deegaanka.Ilo wareed muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay in Garaad Abshir oo ka soo kicitimay Puntland uu ku sugan yahay degaanka Widhwidh, halkaas oo la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Hawdka isagoo ka wareegay dhinaca xuduudka, waxaana la sheegay in uu deegaankaasi ka tagay tan iyo markii uu fulin waayey gogoshii Nabadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey.
Garaad Abshir oo ka soo horjeeda Somaliland ayaa xiligaasi u wareegay dhinaca Puntland, hase yeeshee hadana waxa uu ku mashquulay maamulka Khaatumo, kaasoo uu ka mid yahay dadka taageersan, waxaana ujeedada socdaalkiisa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho abaabul ka dhan ah Somaliland.
Wararka kale ee deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ay kooxda khaatumo ku timaado dhuumasho la mid ah ta Garaadka, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo hoose oo ay kooxahani ku doonayaan inay si qarsoodi ah deegaanka uga fuliyaan.
Illaa hada wax talaabo ah xukuumadda Somaliland kamay qaadin kooxahan oo ay dadweynuhu aad u hadal hayaan dhaqdhaqaaqooda, lamina garanayo ujeedada rasmiga ah ee ay u yimaadaan deegaanka.