Baladweyne (Hubaal):- Wararka Ka Imanaya Magalaadda Baladweyne Ayaa Waxa ay Sheegayaan In Maagaladaasi Ay Gaadheen Agab Millateri Oo Hordhac U Ah Qaybtii Labaad ee Ciidan Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Ka Mid Noqonaya Amisom .
Qalabkan Milatary Oo Ahaa Mid U Badanaa Gadiidka Dagaalka ayaa Waxaa Ku Soo Dhaweeyay Xarunta Amisom Ee Gobolka Hiiraan Maamulka Gobolkaasi Iyo Saraakiisha Ciidammada Midowga Africa Ee Ka Kala Socda Dowladdaha Jabuuti Iyo Itoobiya.
Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax Ayaa Sheegay In Ka Mamul Ahaan Siweyn U Soo Dhaweynayaan Ciidammada Dheeraadka Ah Ee Ka Socda Dalka Jabuuti, Kuwaa Oo Ku Biiri Doona Ciidamadii Horay U Sii Joogay Gobolkaasi Hiiraan Isaga Oo Arintaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi ”Aad Baan Ugu Faraxsannahay Ciidammada Kusoo Biiraya Howlgalka Amisom Ee Ka Socda Dalka Jabuuti, Kuwaa Oo Qeyb-Weyn Ka Qaadan Doona Howlgalka Guud Ahaan Ka Soconaya Gobollada Dhexe,” Ayuu Yiri C/Fataax Afrax.
Sidoo Kale Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadlay Taliyaha Ciidamda Jabuuti Ee Gobalka Hiiraan Col. Cismaan Waxaana Uu Xusay In Dhinciisa In Agabka Militari Ee Maanta Soo Gaaray Uu Hor Dhac U Yihiin Ciidammo Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Intooda Badan La Fillayo In Maalinta Bari Ah Soo Gaaraan Gobolka Hiiraan
Waxaana Uu Inaatsi Ku Sii Daray In Dadka Somaaliyeed Ay Farax Weyn U Tahay In Ay Helaan Cidan Ku Hadlay Afkooda Somaliga Isla Markaana U Soo Gurmaday
Hadaladiisana Waxaa Ka Mid Ahaa “Dabcan Waxaa Hubaal In Ah Dadka Soomaaliyeed Ku Faraxsan Yihiin Joogitaanka Ciidamada Ka Socda Jabuuti, Laakiin Dhinaca Kale Waxaa Ka Naxaya Arrintaa Cadawgga Oo Aan Ogoleyn In Dhibaatada Maanta Jirta Laga Baxo,” Ayuu Yidhi Col Cismaan Dubad.
Tirada Ciidamada Dheeraadka Ah Ee La Fillayo In Ay Ku Soo Biiraan Howlgalka Amisom Ee Gobolka Hiiraan Ayaa Lagu Sheegay In Ay Gaarayaan Illaa 1000 Askari Oo Dhamaantood Ka Socda Dalka Jabuuti.
Waxana Hore Dalka Jabuuti Uga Joogay Dalka Somaliya 1000 Askari Oo Ka Hawlgala Magaalda Baladweyne Iyo Degmada Buula-Burte