Gabiley iyo Boorama Iyamaa Gobsan ?.‏

0
57

Dhawaan waxaa deegaanka qoriligud lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciimada qaranka jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo uu dilay askari ka tirsanaaa ciidankaasi, falkan oo aad u fool xumaa qofkasta oo reer Somaliland ah ka xumaaday , ayaa waxay labadaasi sarkaal rabi naxariistii jano haka waraabiyee kasoo kala jeedeen Gobolada Gabiley iyo Awdal.

Ninka ciidankaa maaha qolo in la qabyaaladeeyana waa ka xaaraan askari ama sarkaal ha ahaatee ninka ciidanka ahi waa nin ciidan qaran ah waa nin ka dhaxeeya qaranka oo dhan maaha in cid gaari u baroorato qaranka ayaa ka siman muragadiisa, qoraalkan waxaan ku eegi doonaa iyamaa gobsan Goorama iyo Gabiley.

Dadka reer gabiyey waxay dhigeen rabshado iyagoo isku soo baxay mudaharaado dhaliyey qas iyo qalaan qal galaaftay naf iyo maal waxay hadh cad boobeen hantidii dawlada ee dadku wada lahaa iyagoo ku anda coonaayey in sarkaalkii kasoo jeeday dhankooda lagu dilay qabyaalad afla gaadaynaayey beel kamida beelaha dega Somaliland sidoo kale xukuumada ku duraayey dilka sarkaalkaasi, dadka gabiley waxaa raacday ceebtii ugu xumayd abid ka dib markii lasoo sawiray iyagoo bool bool u furanaya Gaadiidka loo yaqaan 999ka kaasi oo ah hanti dawladadeed oo ay leeyihiin Ciidanka Boolisku.

Bulshada Somaliland oo markii horeba la amankaagsanayd hadalafa caadifadaysan ee kasoo yeedhaya reer gabiley oo dhegaha dadka bini aadamkaa dhibaayey marka ay maqlaan ayaa hadana waxaa la arkay oo la halacday muuqaalka iyagoo kala boobaya una kala dheeraynaaya hantidii qaranka ee la wada lahaa sida lagu muujiyey muuqaalka ama aad ka dheehanayso sawirka waxad arkaysaa gaadhi nooca hoota hootada loo yaqaan ama 999 oo lagu buuqsan yahay lagala baxaayo taayiradii baytarigii laydhkii casaa ee sare, taasi waxay bar madow ku tahay dadka reer gabiley waa ceeb u gashay taariikhda dadka reer Somaliland intaasi way kala hanweynaayeen gabilyey balse waxay muujiyeen sida aanay dan uga lahayn qaranka.

Dadka ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu kasoo jeeday Sarkaal labaad ee la dilay ilaa iyo maanta wax hadal ah oo ku saabsan dilkaasi lagama hayo marka laga reebo Tacsi ay direen iyo baaq ay xukuumada u baaqeen inay falkaasi wax ka qabato, taasina waa mid ay xaq u leeyihiin, balse ma jirto wax buuqa iyo qeylo ah ilaa maanta laga hayo dadka reer Awdal taasi waxay makhraati ka tahay Gobnimada Dadka reer Awdal inay laban lab ka ka dun wanagsan yihiin dadka reer gabiley, waa la gobol oo deris ah oo somalialnd ah waxaana kasoo kala jeeda labadii sarkaal ee la dilay midna hantidii dawlada ayey boobeen kuwana hadalba lagama yahoo taasi miyaanay ahayn kaaf iyo kala dheeri, Dadka reer Awdal waa ku mahadsan tihiin sidaa aad samayseen waa sidii lagu yiqiinay gobta gobinimadu waa wax loo dhasho maaha wax layska dhigo, waan idinla qabnaa tacsida iyo tiiraanyada geesiyaal naga baxay haayeen godka lagu janee.

Labadaa sarkaal waxay dhinteen geeri xaqa waxaana ay ka baxeen qaranka Somaliland waxaan leenahay alle haw naxariisto janadiina haka waraabiyoo aamiin aamiin.

by : Cali Xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here