Ciidanka Asluubta ee Salaanta Gaardiska Bixinaya Oo Markii U Horeysay Uu Hoggaamiyey Sarkaal Derejadiisu Tahay Gaashaanle Sare
Derejooyinka Lagu Tolay Ciidammada Oo Kor U Qaaday Heybadii saraakiisha Asluubta Iyo Ciidanka Qaranka Ee Salaanta Qaranka Iyo Heybada Calanka Huwan Doono Debaal-dega Maalmaha Koobani Innaga Xigaan Ee 18-ka May
Hargeysa (Hubaal)- Cutubyo ka tirsan Saddexda ciidan qaran ee dalkan Somaliland ee ciidanka qalabka sida [qaranka], ciidanka asluubta iyo ciidanka bilayska ayaa maalintii shalay soo bandhigay gaardis dhoolatus ah oo ay ku muujinayaan u diyaar-garawga dabaal-dega sanad-guurada 25aad ee xuska maalinta gooni isu taagga Jamhuuriyada Somaliland ee 18-ka MAY oo maalmo koobani inaga xigaan.
Gaardiskan oo shalay subaxnimadii ay saddexda ciidan qaran ee dalku ku soo bandhigeen xerada Ciidammada ee Birjeex ee magaallada Hargeysa waxaa ka qayb galay madaxda ciidammada kala duwan ee dalka, wasiirro ay kamid yihiin wasiirka daakhiliga iyo wasiirka warfaafinta iyo saraakiisha sarsare ee ciidanka.
Gaardiskan ay soo bandhigeen ciidammadu oo ay warbaahinta maxalliga ahi goob joog ka ahaayeen ayaa jewigiisu ka gedisnaa dabaal-degga sanadihii hore, kadib markii derejooyinkii ciidammada lagu tolay wax ka bedeshay habkii iyo hanaankii ay cutubyada loo xulo in ay calanka qaranka qaadaan cutubyada saddex ciidan ee salaanta bixinaya, tusaale ahaan ciidanka qaranka Somaliland oo isagu ah ka heeganka u ah ilaalinta heybada calanka ummadda Somaliland waxaa ka hor intii aan derejooyinka la bixin munaasibadan oo kale sanadihii hore waxaa calanka sidi jiray sarkaal derejadiisu dhamme [kabtan] tahay ama ka hooseeyaba, hase yeeshee waxaa shalay gaardiska ciidanka qaranku ku maray birjeex calanka u siday sarkaal derejadiisu tahay Janan waa Sarreeye Guuto Axmed Tansani, taasina waxaa ay dhiirigelisay mooralkii ciidanka oo markii laga soo dareeray dhoollatuska aad loo hadal hayay qiimaha ay derejadu u yeeshay calanka qaranka iyo ciidankiisaba, taasoo askarta markaad wax ka weydiiso jewiga dabaal-dega maalmaha koobani innaga xigaan ee 18-May waxyaabaha ku cusub ciidankooda ay markaba kuu sheegayaan dhoollatuskoodu ka qiimo badnaan doono kuwii ka horreeyey maadaama oo haybadii calanka ciidda Somaliland uu huwan doono janan guud.
Dhinaca kale ciidanka Asluubta oo iyaguna kamid ahaa ciidammada gaardiska ku maray xerada Birjeex Shalay waxaa si lamid ah ciidammada qaranka ay derejadu wax ka bedeshay nidaamkii salaan bixitan ee ciidanka, iyada oo mid kamid ah cutubyada asluubta ee salaanta bixinayay uu hor socday gaashaanle sare Cabdi Xasan Caduur oo ah hoggaanka hawlgelinta asluubta, halka haddii aad dib u raacdo sanadihii hore uu ciidanka hor socon jiray sarkaal derejo ahaan ka hooseeya gaashaanle sare, waana markii u horeysay ee ciidammada asluubta ee salaanta bixinayaa uu gadh wadeen u noqdo sarkaal derejadiisu gaashaanle sare tahay.
Ciidammada Bilayska oo laftoodu gaardiska ka qayb qaatay ayaan sida Asluubta iyo ciidanka qalabka sida wax isbedel ahi ku dhicin salaam bixinta cutubyada gaardiska samaynayay kaasi oo sarkaalka hoggaaminayay ciidanku uu derejo ahaan ka hooseeyey labada ciidan ee kale.