Fidmada 14 Febuary Ee Gaaladu Ugu Yeedho Valentine’s Day, Waa Aaffo Qaran Oo Ka Hor Tag U Baahan

0
108

Valentine day

 Faallo: c/casiis Bashiir Nuur.

Waxa isaa-soo taraaya xoojinta iyo xusaska aan waajibka ahayn ee maalin ka mid ah maalmaha ku jiraa sannad walba bilowgiisa Bisha labaad ee 14 Febuary. Taaso dalalka iyo dadka gaalada ahi u astaysteen inay tahay maalinta jacaylka adduunka. maalintaaso fooda inagu soo haysa ayaa waxay u baahan tahay in si wada-jir ah looga hor tago dhaqankaas aan wanaagsaney ee la-inoo-soo waaridey. Waxanad arkeysaa sannaad walba dhalinyarro Reer Somaliland ah kuwaaso xusaaya ama ku mashquulsan  maalintaas. Iyago magaalooyinka ka baxaaya,ina baxaaya meelaha dalxiiska lo taggo. Sidaa Badda Berbera iyo Beeraha, Wajaale iyo Gabiley.

marka si guud looga hadlo maalintaan  inagu soo Fool-lehi waa maalinta ay Gaaladdu u asteeysteen Jacaylka Adduunka.  14ka February oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan “Maalinta Jacaylka Aduunka” ama Valentine’s Day. oo ay xusaan Dadka Masiixiyiinta ah ama Gaalada ahii.  maalintaas waxay is dhaafsadaan fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xidhiidhaan iyago muujinaya in la joogo maalin ku wayn Jacaylka ayna waajib tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo muuqaal jacayl. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylku! ama uu xornimadiisii helay. sidaas oo ay tahay  Waxaad is waydiisaa Hadii ay tahay Maalin la xuso Jacaylka maxaa loogu bixin waayey (Day of Love) ee Maalinta Jacaylka oo loogu magac daray Baadari Kiristaan ah magaciisa. Waxaynu garan-karnaa inay maalintaasi tahay. Mid cid gaari sameysatay oo aan istaahilin in lala wadaaggo xuskaas oo ah mid Baaderi kaso fulay.

Sidaas oo ay tahay waxa xukuumad iyo shacaba lo baahan yahay in wax laga qabto dhaqalinta haloow-san ee ku mashquul-san xuska maalinta Valentines Day. oo ah maalin ay cidi leedahay, ku dayaashadeeduna aanay habooney. Waxan maalmihii lasoo dhaafay arkaayey dhalinyarro is abaabuleysa, kuwaaso u maryo xidhay sidii ay uu xusi lahaayeen maalintaas, isla markaasna waalid-kood uga baxsan lahayeen, doonaayana in fasax  ka qaatan School-lada aan dawliga ahayn. Ujeed koodu salka ku hayo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xuska maalintaas.

Bal aan in yar dul istaagno maalintan iyo meesha ay kasoo jeeddo asal ahaan,cidi sammeysatay sababta ay uu sameeysteen iyo waliba ujeedka xuska.

Sidaa la  rumaysan yahay waxaa la xusaa oo loo dabaal daggaa Valentine’s Day 14 Feberuary,si loo xuso sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay Valentine. ka dib dhimashadii cise . Qaar kale waxay ku andacoodaan in Kiniisadaha Chiristanku ay u go”aamiyeen in maalintani Valentin ay noqoto bartamaha February si  loo xuso wakhtigii la gaalaysiyey Lupercallia oo ahaa wakhtiyadii hore oo ku siman Roomaniskii,Sidoo kale bisha February waa bil ku bilaabanta wakhtigii  barakaysana  taasoo ay u qateen in ay tahay bishii is daahirinta.Guryaha ayaana  la nadiifiyaa la cadriyaa, la qurxiyaa halkaas oo lagu shubo milix iyo hadhuudh, kaas oo lagu baahiyo dhaman guriga hoostiisa oo dhan, Sidoo kale maalintan February 14- waxaa iyana ay u doorteen in ay noqoto maalintii bac-riminta xaga beeraha taas oo ay u haneeyeen wax ay ugu yeedhaan. ilaha roman ee beeraha,iyo sidoo kale asaasayaashii Romaniska ee la kala odhan jiray Romulus iyo Remus.

Mar hadey sidaasi tahay ma istaahishaa maalintaas inaad adigo islaam ah uu asteysato maalinta jacaylkaaga? Jawaabta fayoobi waa mayaa.  Waxa kale oo jiraa qaarka mid ah kiristanka oo ah ashkhaas caanku ah bulshada dhexdeeda ayaa si weyn uga soo hor jeestay. Waxana dadkaas ka mid ah jilaaga weyn ee caanka ah ee salman Khan oo maalintaas ku tilmaamey wakhti lumis. Isago arrimahaas ka hadlaaya Mr Khan waxa uu yidhi.” ,,,, Aniga ma aaaminsani guud ahaan maalintaa waxaana qabaa waa wax waqti lumis ah, oo aan ku haboonayn in la xusoo oo lacag iyo maal faro badan lagu lummiyo”.

Si kastaba ha- ahaatee  waxaa waajib inagu ah in aynu wadaajir uga soo horjeesanno maalintaas iyo xus-keedaba  oo aynu ku bedellano  weyneynta ebbe iyo sidii aynu uu gudan lahayn farralka korkeenna ahaaday kana fogaanno dabinda qarsoon ee diin-laawayaashu ino dhigayaa.

W/Q  Cabdi casiis Bashiir Nuur

 Tel: 4144434

info@xogreebnews.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here